“Facebook” saameyn intee leeg buu ku leeyahay shaqooyinka dawlada?

Hargeysa-(Berberanews)-Aalada facebook oo ah goob ay ka wada xidhiidhaan ama ay ku kulmaan bulashada caalamku, ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyey si aad ugu soo kordhayey bulshada baraneysa ama isticmaalaysa. gaar ahaan magaalada hargeisa.

Waxaynu ka warqabnaa in ay mamnuuc ka tahay goobaha shaqada. sida shirkadaha, xarumaha dawlada iyo dhammanba goobaha ay shaqadu ka socoto in lagu isticmaalo facebookga iyo wixii lamida ee wakhtiga kaa luminayaba.

waxaa inta badan loogu talo galay in ay ka wada xidhiidhaan bulshada dhalin yarta u badan iyagoo wakhtiga iskaga lumiya isla markaana kaftan, haasaawe iyo sheeko ku wada qaata. waxaan la dareemi karin. wakhtiga iyo inta aad isticmaaleysay. isagoo wakhtiga u lumiya si aan la dareemi karin.
Hadaba, waxaad moodaa in muddooyinkii u danbeeyey oo la kowsadey wakhtigan ay xukuumada madaxweyne siilaanyo talada la wareegtay in shaqaalahii dowladu ay runtii kaga mashquuleen shaqooyinkii ay bulshada u hayeen isticmalka Facebooga.
Gaar ahaan marka aad booqato xarumaha dawlada waxaad arkeysaa shaqaale dhammaantood ku foorar computerka. isla markaana marka aad sii jaleecdo muraayada computerka waxaad arkaysaa in ay ku jiraan mashquul xad dhaafa oo ka mashquulsan maskaxda.
Waxaan kormeer ku tagey dhamman xarumaha dawlada ha ugu badnaadaan wasaaraduhuye, waxaan la kulmay dhalin runtii u badan gabdho iyo wiilal intooda badani ku mashquulsan facebookga oo kalidood qoslaaya.
Waxaa dhif iyo naadira inaad aragto qof gudanaya shaqadii loo xilsaaray. Waxaa iigu layaab badneyd markii aan galay wakaalada biyaha ee magaalada Hargeisa waxaa tuban oo is daba taagan dad tiradooda aan ku qiyaasay ilaa 23 qof haddaaney ka badneyn, waxay dadkaasi doonayaan inay bixiyaan lacagtii biilka ahayd ee biyaha.
dadku waxaad dareemaysaa caajiska ka muuqda iyo saluuga ay ka qabaan habkii shaqo ee Wakaallada oo dhallinyaraddii Face-boogga ku wada fooraraan.
waxaa kuraasta ku fadhiya sadex hablood iyo wiil dhalin yar ah. gabadh markaa aan is idhi waa xaasley ayaa iyadu inta badan wadey hawsha. balse shaqaalahii kale oo aan mid mid isu dul taagey waxay ku mashquulsanaayeen chating iyo qosol maqane jooga ah.
Haddaba. waxaa nasiib darro ah in xarumihii dawlada ee ay ahayd in ay ku daydaan bulshada kale in ay shaqaale iyo maamulba kaga mashquuleen dantii bulshada soo igmatey facebook iyo khiyaali aan waxba soo kordhineyn.

Waxaana Nasiib darro ah in masuuliyiintii hawlahaasi khuseeyeen ay ka gaabiyaan oo laftoodu qayb ka ah.
Waxaa jira in shirkadaha gaarka loo leeyahay qaarkood aan loo ogolaan Faceboogga ama qofka lagu arko in uu shaqada gudaheeda ku isticmaalayo uu ku mutaysto ganaax ama eri.

Haddaba arintan ayaa dhabar jab ku ah horusocodkii iyo habsami u shaqayntii danta bulshada waxaaney ka dhigaysaa wasaaradahii iyo xarumahii dawlada kuwo qushi socod ah oo aan meelna gaadhi karin haddii aan laga hortagin ama aan wax laga qaban.

Allaa Mahad Leh
Adders: almis1988@hotmail.com
Tell: 4243848/4469601
Axmed Cismaan Almis
Reporter somaliland space Channel