XUSUUS-QORKA MAANTA 26.10.2015 IS-CASILAADII UGU BALAADHNAYD EE SOMALILAND KA DHACDAY

QALINKII CALI MAHAD YUUSUF
  Amin ku siman Duhurkii ayuu soo dhacay war sheegaya is casilaada Wasiirkii awooda badnaa ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo tan iyo markii Xukuumadii Siilaanyo talada qabatay ahaa qofka looga hadal haynta badnaa. Colka maalintaas ka dareeray Xukuumadana waxaa  ugu  miisaan badnaa waxaa kamid ahaa
1-Xirsi Cali X.Xasan Wasiirkii Madaxtooyada
2-Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii Arimaha Debeda
3-C/risaaq Khaliif Wasiirka Hawlaha guud
4-Cabdi Aw Daahir Wasiirka Shaqada
5-Xuseen Axmed Caydiid Wasiirkii Cadaalada. Afhayeenkii Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul
Waxaa kale oo  kamid ahaa Wasiir kuxigeeno Agaasimeyaal guud iyo xubno kale oo kamid ahaa masuuliyiintii sare ee Dowlada. Sababta is casilaada keentay ayaana la sheegay inay ka dhalatay  khilaaf ka  dhex-qarxay Xisbigii Talada dalka hayey ee KULMIYE.