Somaliland oo sagootiday shaqaale tobabar caafimaad ka helay Taiwan

Hargaysa-May-06-2024-(Berberanews)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad lagu sagootinayay shaqaale caafimaad oo ka hawlgala, cusbitaaladda Hargaysa, Burco iyo Gabilay oo safar aqoon-korodhsi iyo tababar iskugu jira ugu bixi doona dalka Taiwan iyo sidoo kale daah-furka mashruuca cusub ee kor u qaadista caafimaadka bulshada gaar ahaan gargaarka degdega ah.

munaasibad si balaadhan looso agaasimay oo ka qabsoontay xarunta guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa goob-joog ahaa, Safiirka Safaaradda Taiwan ee Somaliland, Agaasimaha waaxda caafimaadka guud, Agaasimaha cusbitaalka gabilay, Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Hargeysa, dhakhaatiir khuburo caafimaad mudan iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta kasoo qayb-gashay munaasibaddan oo hadalo kala duwan oo ka turjumaya ahmiyada balaadhan ee ay leedahay xafladdan isku sidan ee sabootinta shaqaalaha caafimaad iyo daahfurka mashaariican cusub ka jeediyay, ayaa dhammaantood si isku mid ah hoosta uga wada xariiqay sida ay muhiimka u tahay in marwalba kor loo qaado shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala dhammaan xarumaha cafaamadka iyo Cusbitaalada dalka.

Safiirka Dalka Taiwan MR. Allen Luu, oo madasha hadalo kala duwan ka jeediyay, ayaa dhankiisa ka sheekeeyey wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa Dalka Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo sheegay in shaqaalahan caafimaad aanay ahayn markii u horaysay sidoo kalana aanay noqon doonin markii u dambaysay, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadkana diyaar u yihiin in ay marwalba kala shaqeeyan Horumarinta iyo iskaashiga dhanka caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa si qotodheer uga waramay in Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ay ka go,antahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha caafimaadka ka hawlgala dhammaan goboladda dalka, taninna ay ka mid tahay dadaaladaas, isagoo shaqaalaha u baxaya safarkan aqoon korodhsiga ah ee dalka taiwan kula dardaarmay in mudada ay halkaa joogaan si wanaagsan uga soo faa,idastaan aqoonta dalkaas ay tagayaan.

Agaasimaha iyo Safiirka ayaa si wada jir ah Shahaadooyin u gudoonsiiyay dhammaan shaqaalaha u baxaya safarkan aqoon korodhsiga ah.