Wallee reer aan ogahay ma guuro!! WQ Mustafe Shiine

Ninkii bakayluhu ugu dambeeyay wax uu arkaa maxay kaga dhegtay wax walboo loo sheegaa inuu yidhaahdo ” Bakayle ma le’egyahay”.

Hadda xaalad walba ma doorashaa, se doorashadu miyaanay lahayn wadiiqo loo maro, mar haddii la sugay in ta madaxtooyadu tahay ta u soo horeysaa, miyaanay ahayn in cayaaraha socdaa aad dhinacaaga ka boodid ood ka xulatid kooxda aad guusha ku gaadhi kartid.

Wallee reer aan ogahay ma guuro, mana nagaado,  war haddii kursiga aad reer ku doonteen, bal kelidiin keeni kari maysaanee ugu yaraan yaanay afxumo idinka tegin ama iskaba wata malaha waad ku faa’ideysaanee.

Aniguse mid aan idin idhaahdo oo ah ” War doorkan waxa ay hay’adu rabto la doona col iyo nabad labadaba, haddiise aad kala luntaan iska nasta oo wax ha doonina”,  waar ma idhi, ALLOW markhaati ma dhigtay dhigaal ah, hadhow bay meelahaa ka odhan ” Waxbaa laynoo diidan yahay