Hambalyo Munaasibadda Ciidul-Fidriga

Waxaan Hambalyo La wadaagayaa Farxada Munaasibadda Ciidul-Fidriga Awgeed Guud ahaanba shucuubta Islaamka iyo Umadda Geeska Africa gaar ahaanna shacabka Somaliland Gudo iyo Dibadba, Waayeel, Dhallinyaro, Rag iyo Haweenba, si gaar ahna waxan hambalyo udirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil “Saylici” Dhamaan Golayaasha qaranka, Hogaanka Sadexda Xisbi Qaran iyo 10 Urur Siyaasadeed , Ciidanka kala Duwan ee qaranka.

Waxaana ilaahay ka baryayaa in uu inaggu gaadhsiiyo dhamaanteenba Ramadaankan Ramadaankiisa iyo Ciidan Ciideeda bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo, Jamhuuriyada Somaliland oo Caalamka ka mid ah Aqoonsi buuxana hanatay, Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada ee isku sidkan oo si nabad iyo Xor ah u qabsooma iyo Umada Somaliland oo Horumar hiigsatay.

Amb Hamse Haji Dool