“Doorasho Way Dhacaysa kii Laga Dheerayn Jirayna Waa laga Dheeraynayaa”. Kayd Cabdilahi

“Waxaynu la soconaa inay 18 kii May oo si weyn loo agaasimay wadanka ka dhacayso Dawlado waaweyn oo badanina ka soo qayb-gelayaan laynooguna muujinaayo Aqoonsigii Somaliland, haddaba waxaa muuqata qolyo duwaaya Attetionka bulshada si aan loo siinin Dareen wayn, waxay furayaan Tashuush ay ku yaraynayaan diyaar-garowga iyo dadaalka loogu jiro dabaal dega iyo Aqoonsi raadinta wada socda.

Waxay rabaan inay ka dhigaan Dadaalkeena Arooskii Boqorkii ingiriiska ee ku beegmay Dhimashadii Usaama binu laadin ee attetionkii iyo Idaacadihii Caalamku ku jeesteen Dhimashada usaama, sidaa si la mid ah Ayey kooxdii isbahaysan jirtay Macal CBB -dii Somaliland furayaan kaanbayn doorasho aan wali la iclaamin. Maaha Cod raadis,maaha kasbasho bulsho ee waa dagaal ku lidi ah inla weyneeyo si dareenka Bulshada iyo Caalamkuba aanay u dareeman maalin 18-ka may, oo sanadkan sidii hore ka wayn.

Waxan soo jeedinayaa in aad ah looga digtoonaado dagaalka dadban iyo tabaha guracan ee lagu shiikhinaayo dareenka huwan weynaynta, rabitaanka bulshadu ku cadaynayaan inay noqdaan qaran madax banaan, waxaan leeyahay yaan la dhayalsan dagaalo dhinac badan ah baa wadankan lagula jiraaye tabaha guracan haw qaadanina campaign doorasho waa tii kale.

Campaign waa la geli doorashona way dhacaysa kii laga dheerayn jirayna waa laga dheeraynayaa, nin walibana wuxuu wadanka iyo bulshadan ka maalayaa inta quluubtiisa ugu jirta inay noqdaan qaran madax banaan. Nin waliba qalbigiisa ayaa lagu risiqayaa, kii aanay qulaanqulsha gaadhina isna qulaanqulshaha bulshada dhaafi maayo.

Wa bilaahi tawfiiq.