Wasiir Kaahin oo lagu soodhaweeyay Hargeisa

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Madaarka Caalami ah Egal International Airport, isagoo Gudoomiyuhuka soo laabtay Magaalada barakaysan ee Makka oo uu tegey Cimrada.

Wasiirka waxaa Madaarka ku soo dhoweeyey Masuulinta Xisiga KULMIYE oo uu horeeyo Guddoomiye Kuxigeenka Koobaad Cabdicasiis Maxamed Samaale, xubnaha Golaha Wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaasha hay’adda Dawladda, Xildhibaano, madax dhaqameedka iyo Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa si wayn ugu mahadnaqay sida qiimaha leh ee loo soo dhoweeyey, isaga oo Jamhuuriyadda Somaliland u rajeeyey guul iyo horuumarka.