Brazil: In ku dhow boqol qof oo ku dhintay masiibo ka dhalatay Roobab

Brazil-(Berberanews)-Daadad waaweyn oo ka dhacay koonfurta Brazil ee Rio Grande do Sul ayaa waxaan ku dhintay ugu yaraan 75 qof todobadii maalmood ee la soo dhaafay, 103 kalena waa la la’yahay, sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah.

Khasaaraha ka dhashay roobabka ayaa sidoo kale ku qasbay in ka badan 88,000 oo qof inay guryahooda ka qaxaan, mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ee gobolka ayaa sheegay Axadii.

Ku dhawaad ​​16,000 ayaa gabaad ka dhigtay iskuulada, goobaha jimicsiga iyo hoyga ku meel gaarka ah.

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa markii labaad Axadii booqday Rio Grande do Sul, waxaana ku wehliyay Wasiirka Difaaca Jose Mucio, Wasiirka Maaliyada Fernando Haddad iyo Wasiirka Deegaanka Marina Silva iyo kuwo kale. Hogaamiyaha iyo kooxdiisa ayaa diyaarad helicopter ah ku sammeeyay wadooyinka daadku qaaday ee caasimada gobolka Porto Alegre.

“Waxaan u baahannahay inaan joojinno inaan ka daba cararno masiibooyinka. Waxaan u baahanahay inaan horay u sii ogaanno masiibooyinka dhici kara, waxaana loo baahan yahay inaan shaqeyno,” ayuu madaxweyne Lula u sheegay suxufiyiinta ka dib.