Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray Maxamed Bin Salman.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxweynaha Imaaraadka Carabka Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Sheikh Tahnoun bin Mohammed Al Nahyan  oo ka tirsanaa qoyskiisa.

Siday werisay Wakaaladda wararka ee SOLNA oo soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL oo faafisay dhambaalka tacsida ah,   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi wuxuu Sheekh Tahnoun bin Mohammed Al Nahyan  Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyska Madaxweynaha iyo shacbiga Imaaraadka carabta samir iyo iimaan ka siiyo.

Sheekh Tahnoun bin Mohammed Al Nahyan  oo ka mid ahaa qoyska haya  madaxtinimada Imaaraadka  isla markaana ahaa ganacsade iyo maamulihii hore ee Imaarada Abu Dhabi, Waxa uu geeriyooday 1dii  bishan May 2024.