“Xaqiiqada Xogtii Ugu Danbaysay Ee Dadkii lagu Qabtay Raashinkii dhacay” Garyaqan Y. biixi

Guud ahaan Dawladu Hadaanay Dadkeeda Wax u Sheegin Cid Kalaa Wax u Sheegi,Somaliduna Waxay Ku Maahmaahdaa Nin Guntin Xumi Inuu Wax Qarsanayaa La Moodaa!!!!

Dad badan ayaa ilaa maanta isoo waydiinayay, siday wax u dhacayaan waxaanan ku joogay xogtiisa iyo siday wax u dhaceen.

1.Raashinka iyo Cidii Lahaydba Ma La Mariyay Maxkamad? Haa rasshinkii iyo cidii lahayd ee lagu eedayayba waxaa la saaray maxkamad inkasta oo aanay dadku u helin fursad lagu gaadhsiiyo inay si toos ah uga qaybqaatan balse xukunka maxkmada waxaa lagu dhawaaqay 15-11-2023 ilaa iminkana waxuu raashinku u taagnaa in la fuliyo shuruud kamid ah shuruudaha Xeer Lr.68.2014 Xeerka Tayada Oo Lagu Xukumay, inkastoo aan aniguba jeclaa in xeerka ciqaabta guud la mariyo balse hadana madama xeer gaar ahi nidaaminayo isaga ayaa loo habraacayaa sharci ahaan, waxaanuu u dhigan yahay Xeerku Sidatan.

Qodobka 39aad Ee Xeer Lr.68.2014
Dembiyada iyo Ciqaabaha Heerka Tayada.

1. Qofka lagu helo inuu soo saaray si wershadaysan, soo dejiyey, qaybiyey, iibiyey ama si uun uga ganacsaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa badeecad aan waafaqsanayn Heer-Tayeedka la waajibiyey ee Xeerkani jidaynayo, waxa uu mutaysan doonaa ganaax lacageed oo aan ka yarayn 3%
qiimaha badeecad la qabtay haduu danbigaasi u ekaado mid la caadastay waxa la iskugu darayaa ganaax, xadhig iyo liisanka ganacsi oo lagala noqon doonaa..

Sida farqadan danbe ka muuqata qofkii raashinkan keenay maxkamadu umay aqoonsan caadayste oo xadhiga sidaas ayuu kaga bad baaday sida uu qodobkani u dhigan yahay marka loo habraaco.

Markaas Fikirkayga hal qodob ayay maxkamda iyo Xafiiska Xeerilaalintuba ay ilduufeen oo ahayd in garmaqalka dacwadani ay dadka u furnaato oo uu noqdo fadhi u Furan warbaahinta, ama ay dadka uga warbixiyaan siday wax u dhaceen, balse waxaan u arkaa in talaabo sharci laga qaaday raashinkii iyo cidii lahaydba oo waliba culays maaliyadeed haday tahay cashuurtii ugu horaysay ee laga shubay, ganaaxan oo marka shixnada loo eego culus iyo kharashka gubiduba waa ciqaab aad ugu culus, hadii uu ku waantoobayo, aniga qudhaydu qofka ma arag balse muhiim iima ah kol hadii garsoorka la horkeenay.

Inkasta Oo aan ilaa horaantii falkani dhacay aan Saluugsanaa sida jooga hoose ah ee eedaysanaha xogtiisa loo ilaalinayo ilaa iminkana loo ilaaliyey, Balse Muhiimna maaha in qofka ciqaab aan xeer sheegin lagu fuliyo ama isaga Laftiisa TV loosoo bandhigo oo waa ciqaab kale, balse hadii garmaqlkii uu furnaan lahaa taas dadku maanta kumay xiiqeen.

Alle Xaqa Hayna Waafajiyo
Garyaqaan.Yuusuf Biixi