MAXAA KA HIRGALLAY TALAABOOYINKII BAANKA DHEXE EE JSL KA QAADAY ISKU SARIFKA DOLARKA IYO SHILLINKA JSL?

Waxa maalmihii ugu dambeeyey ka socday suuqyada sarifka lacagaha dadaalo uu Baanka Dhexe ee JSL ku xakamaynaayey qiimaha sixirka sarifka Dolarka iyo Shillinka JSL oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaato weyni ka haysatay bulshada Somaliland.

Talaabooyinkan wax ku oolka ah ee Baanka Dhexe ee JSL ka qaaday sidii loo xasilin lahaa sixirka sarifka ayaa waxay bulshada ka dulqaadeen culays baahsan oo ka haystay dhinacyo fara badan oo sixir-bararka maciishadu ugu horreyso, waxaanu suurtogaliyey in suuqyadii sarifka ee lacagta Dolarka ah laga waayey in hadda aad ka heli kartid lacagtii Dolarka ahayd oo aad ku helaysid qiimaha uu u jaangooyey Baanka Dhexe ee JSL.

Sidoo kale, talaabooyinka uu qaadatay Baanka Dhexe ee JSL ee caqabadaha muga leh bulshada ka dulqaaday ayaa waxa ka mid ah in Baanku xakameeyo oo si rasmiya u hago Sarifka Zaadka iyo E-Dahabka oo hadda aad ka heli karaysid sarifka Dolarka oo baryihii u dambeeyey ay sariflayaashu ka xidheen in marka aad Dolar u baahan tahay aannad ka helaynin balse marka aad Somaliland Shillin u baahan tahay uun aad qiime waliba hooseeya aad kaga helaysay, taasi oo hadda meesha ka baxday oo Shillin iyo Dolarba aad kaga helaysid qiimaha uu subaxii soo saaro Baanka Dhexe ee JSL.

Talaabooyinka kale ee ay tahay in lagu boogaadiyo Baanka  Dhexe ayaa waxa ka mid ah in saddexdii cisho ee ugu dambaysay uu Baanku si tartiib tartiib ah hoos ugu waday qiimaha isku sarifka Shillinka iyo Dolarka oo uu gacanta hore kasoo bilaabay halkii dolarba 9200shilin isaga oo maanta marinaaya 8900shillin, taasi oo muujinaysa in Baanka Dhexe si rasmiya gacanta ugu dhigay maamulkii iyo masuuliyadii ka saarnayd xasillinta qiimaha sarifka lacagaha ee suuqyada Somaliland.

W/Q: – Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com