Waa Loo Siman Yahey Muqdishaa Eeday

Cadnaan Ismail Shawahaaye

Hollan-(Berberanews)-Marka hore waxaan halkan ka salamaya hawlwadeenada shabakadaha ee Berberanews.com  sidoo kale waxaa iyana sharaf mudan bahweynta aan tiro laheyn ee sida joogta ah ugu xidhan  shabakada Berberanews.com  iskuna waydarsada afkarahooga cafimaadka qabaa   aaan u imado dulucda.

 

Waxaa ayaan darro lagu tilmaami karaa iftiin la arkaayo hadana dadka qaar u muuqan, haddii wax kasta dood ama shaadh qabiil laga dhigo waa mid dhibkeeda leh  Waxanse si kooban u Dul istaagi doona Dareenka Diiday Amuus Yeelay ka Hadaal kaas oo Aaan Qaalinka uu Qaatey  Somaliland Dhawaan waxaa Ka dhici

doona Doorashada Goolaha Deegaan  oo ay uu tartami doonaan  8 URUR Siyasadeed   oo midkiiba looga Baahanyahey  Musharaxiintisa Degmo Kasta   Hadaan Tusaale uu Soo Qaato  Casimada Somaliland Ee Hargeisa  Golaha Degaanku wuxuu ka kobaan yahey  25 Xildhibaan Golaha Degaanka ah.

 

Hadaba Marka  8 urur uu midkiiba Yeesho 25*8 =200  tirada Guud ee Musharaxiinta Golaha Degaanka Hargeisa wuxu noqonayaa 200 Musharax Golaha Degaanka ah   iyadaa oo Siyasaada Tusbax Furmay noqotay ay jirto Hadana waxaa jira  Dhibaatooyin Faham darro ah oo la soo darsay  dadka Qaar , Bal in yar aynu Soo koobno 

 

Macnaha Gole Degaan  Golaha Degaanka waa xubno laga soo doorto  Degaanka  ay ku dhashey kuna  abtirsadaa waxayna badanka ka hadlaan  Bahidaa iyo Xaalada ka jirta  Deegaanka laga soo doortay, iyadoo taasi jirto ayaa waxa beryahan dambe  La arkey dad aan uu dhalan  oo gobolo kale ka yimi iney ku dhawaqaan iney ka sharraxan yihiin  Degaan aaney Degin iyaga oo raba iney ka mid noqdaa  Golaha Degaanka  waxaase  Su’aal Calamatu Layaab !! wadataa  Noqneysaa   Musharaxa iska soo  sharaxayaa Degmo aanu uu dhalan Lacala Haduu soo baxo  Yuu uu Doodi Doona ?  Golaha Degaanka

 

Badanaa Mudanayasha ku jira waxay ka hadlaan Meelihii laga soo doortay ee degaankooga ahaa  Dulucada

 

Maqaalkeyga  oo ah  in Hargeisa  Ay iska sharaxaan Dad ka yimi Gobalo kale oo aaney Degmo iska daaye xaafad kaliya aaney Hargeisa ka degin kuwaas oo ah Reer Burco iyo Reer Ceerigaabo oo isku soo tagey iney  ka mid noqdaan  Golaha Degaanka Hargeisa ayaa waxay noqotey siyaasin waaweyn oo Dhowr ah iney Si

cad uga Hadlaan oo ay yidhahdaan  Hargeisa Qof Degaan ku leh  ayaa isku soo tagi kara Doorasha Golaha Degaanka  Siyaasiyaanta waxaa Ka mid ahaa  Xildhibaaan Siciid Cilmi Rooble iyo Guddoomiya Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali warabe  Dhawaaqoga kad dib waxaa dhacdey in odayaal Kofiyad Baclayaal ah intaa Shidaal lagu shubtay ay shir jaraa’id qabteen ayna xuseen Hargeisa in loo siman yahey oo cid kasta  iska sharaxii Karto  Dhawaaqa Odeyadaa oo  Dad Badan ka cadhaysisay   Madama Kalmada waa loo siman  yahey ay Dhulka La Sintay  Casimada Somalia  oo Kalmadan lagaga Dhaqmijiray  80 maadkii  Maanta

 

Hargeisa ma noqoni doonto  Mid Marta Jidka  Madaw ee ay mareen Magalooyin badan oo lagu aasay waa loo siman yahey , waxaase  Loo siman yahey  ku noolashaha Magalada ee Looma Sinaan Karo  Siyaasada

 

Magalada oo ay xaq uu leyihiin dadka uu dhashey  ee ka awoow ka awoow  ku abtirsanayaa nin Gobalkiisi  iska sharaxii wayey Gobal kale oo aanu uu Dhalan  waxba uma Qaban karo Waxan Hadalkeyga ku soo

 

Koobaya  Somaliland waa la  wada layahay Degaankana waa la kala leyahay

 

 

 

 

Adnaan Ismail Shawahaaye ( Dr Cunaaye )

 

aqoon143@hotmail.com

Holland