‘Waxaanu u soo Jeedinaynaa Aqoonyahanka, Waxgaradka beelaha reer Fiqicumar inay Joojiyaan Dagaalka Dhexdooda ah’ Baaq Nabadeed.

Hargeysa 04 Mar 2012 (Berberanews)- “Tan iyo saqdii dhexe ee habeenkii ay taariikhdu ku beegnayd 27-kii February waxa si waxshinimo ah isugu dilaya magaalada Raaso ee dalka Itoobiya beesha reer Fiqicumar ee deggan halkaasi, dadka is dilayaa waa dadkii deegaankaasi wada daganaa ee walaalaha ahaa waxaanay dirirtu ka dhacday is faham-darro ka dhex jirtay beelaha deegnaaka tan iyo labadii sano ee la soo dhaafay taasi oo ay sabab u yihiin dad wax ma garato ah oo ka faa’iidasanaya baahiyda calooshooda iyo inta yar ee qadhiidhka shilimaadka ah ee ka soo galay ka ganacsiga dhiigga walaalahooda cadowga soo jireenka ah ee ka xun hormarka iyo madaxbanaanida ay gaadheen.
Sidaa darteed walaalaha isku umlo-dooxanaya deegaankaasi oo aanay jirin haba yaraatee wax ay isku haystaan oo loogu garaabi karo, waxaanu u soo jeedinaynaa inay dagaalka iyo isdilka macno darrada ah ee dhexdooda ah joojiyaan sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana colaadka iyo is dilka ugu beddelaan wadahadal iyo garnaqsi dhexdooda ah si loo baajiyo inaanu dib dambe u daadan dhiigg dambe oo halkaa lagu daadiyo, iyada oo aanay jirin sabab macquul ah oo keentay inay dadkii walaalaha ahaa ee wax waliba ka dhexeeyey maanta isu dilayaan sidii cadaw uu dhiiggoodu isu xalaal yahay oo aanu dhiigga iyo dhaqan toona ka dhaxayn.
Mar kale waxaan leenahay Ilaahiina ka baqa oo dagaalka macno darrada ah ee aan sinaba idiinku bananaayn dhexdiina joojiya oo dib u eega waxaad isku dilasyaan ee aad maanta isku madhiseen ee aad Haadda ugu loogteen cuddiinii iyo barbaartiinii aad muddadii yarayd ku hesheen magaca iyo maamuuskii idinka maqnaa muddada dheer taasi oo aad kula simanteen ama aad ku gaadheen qoomiyadaha kale ee aad kula nooshihiin dalkaasi.
Shaki kuma jiro inaad ku dhacdeen dabinkii uu muddada dheer idiin maleegayey cadowgiina soo jireenka ah oo maanta ku faraxsan baa’bi iinna iyo dhiiggiina ku daadanaya goob aanay gargaar iyo guri toon ka dhawayn, taasi oo sababtay inay barbaartiinii qaarna halkaa dhiig bax iyo dawo la’aan ugu dhamaadeen qaarna ay Haaddu nolosha ku cunayso iyaga oo naftu qaarka hore kaga jirto, idinkuna wali waxaad ku mashquulsan tihiin tollaay yaa reer Hebalaay iyo wixii la soo dhaafay kumanaan sanno ka hor ee loo yiqiinay casru-jaahiligii ay soo mareen waddamada Carbeed ka hor intii aanu Ilaahay usoo dirin Nebi Muxumad (NNKH).
Ugu dambeyntii waxaan si gaar ula hadlaynaa kuwa dabka sii hurinaya ee wali ku mashquulsan abaabullka dagaalka ee inta fayaw ku dhiirigalinaya inay ku biiraan naarta Janahannamada maadaama waxay dadkaasi walaalaha ahi isku madhiyeeni aanu ahayn wax uu islaamku ogol yahay sharciyan inay Muslimiinta walaalaha ahi sidaa isu dilaan, waxaanad ogaataan dadkiina dhalinyarada hubka isugu dhiibay ee haddana wali tollaayeeda ku hayaa waxaad baa’bi inaysaan ee aad xasuuqaysaani inay yihiin wiilashiinii iyo adeerayaalkiinii aad isugu xidhte