Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Wasiirkii hore ee xanaanada Xoolaha

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga
Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku
timid MARXUUM Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee
Xanaanada Xoolaha JSL oo manta ku geeriyooday magaalada Hargeysa,
laguna aasay.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii
Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo
bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN