Tacsi: Inaa lillahi wa’inaa illayhii Raajucuun

 
Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr Maxamud Cali Saleeban “Ramaax” oo ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Bulshada Ku dhaqan Gobolka Saaxil ayaa waxaa uu tacsi tiiraayo leh u dirayaa dhamaanba Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyooday alle ha u Naxariistee Marxuum Axmed Yassin  Cilmi “Guunko ood” oo shalay ku geeriyooday Dagmada Sheekh.
 Halkaasi oo isla xalayba lagu Aasay Dagmada Sheekh, Waxaanuu Marxuumka Illahay uga baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo, Eheladii, Asxaabtii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo Aamin Aamin Aamin..