Oodweynenews oo noqotay goob lagu caayo haweenka iyo musharaxiinta reer Somaliland

Waxaan salaamayaa marka hore wargeyska madaxa banan ee berberanews oo ah wargeys ku dhaqma xaqiiqada jirta isla markaasna ka dhawrsada waxii kicinaaya bulsha waynta reer Somaliland had iyo jeerna soo gudbiya warar xaqiiqo ah oo aan lahayn turxaan iyo xumaantoona .

Marka xigta waxaan rabaa in aan ka hadlo maqaalo farabadan oo uu qoray wargeyska oodweyne news oo ah sawirada maanta amase madaxda xusbiyada somaliland iska soo sharaxaaya ku waas oo aan aad ula yabay isla markaana kala jeclaysta xusbiyada oo qaarkood si aad u heer saraysa oo caadifadaysan uga sheekeeya arimahoda sida gaboose iyo ciro xisbiyada kaleetona aan sii faahfaahsan ugaba hadal takale ee aadka aan uga xanaaqay ee igu kaliftay in aan halkan maqaal ku soo qoro waxay tahay sheekada sawirada oo ah qaar ay oodweyne ka leeyihiin u jeedooyin gaar ah ku waas oo ah qaar si gaar ah loogu waxyeeleeyo karaamada iyo sharafta hablaha ama haweenka somaliland amaba musharaxiinta somaliland oo loo bartilmaameedsanaayo beelo gaara ah.

 hadaba oodweyne waxa ay bilowday wax la yishaahdo coments oo ay iyagu u yaqaanan in uu soo kordhinaayo sumcadooda amaba aqriskooda taasi oo aanay kaba fikirin in uu adhax jab ku yahay wargeyskooda iyo sumcadooda toona kuna keeni karo burbur laxaadleh hadaba sxbyaal anigu waxaan mudo badan u fiirsanayay wargeyska oodweyne dhacdadii ugu danbaysay ee foosha xumayd na waxay ahayd tii ahayd .

Sawirka maanta iyo maan dooriyaha qaadka waarun ooo qaadku waa maan dooriye balse maxaa ka danbeeya warka oodweyne waxa ka danbeeyay in lagu aflagaadeeyey hablahii Somaliland qaybo ka mid ah oo waliba oodweyne ay raali ka noqoto cayda hablahaas rer somaliland taas oo ah wax anshaxa bini aadamka iyo diinta is laamku toona aanay ogolayn iyada oo aanu dhar jeer u qoray qoraalo kala duwan oo aanu ugu sheegayno in ay xidhaan fadlan coments kaan oo ah mid kala fogayna umada rer somaliland ee walalaha ah kan faaiiidaysanyaan nacabka ama cadowga rer somaliland taasina way naga aqbali waayeen oo waxaadba moodaa in ay iyag dani ugu jirto waxyaabaha ah fawaaxishka wax u dhimaaya diinta islaamaka iyo qaranimada somalilaand hadaba waxaan u sheegayaa maamulka wargeysak oodweyne news hadii ay yihiin dad xilkas ah oo caafimaad qaba waa in ay wax ka badalaan wargeyskooda iyo sida uu ula dhaqmaayo bulshada ay ka dhasheen siiba cayda haweenka oo ah lama taabtaan laguna talaxtagay caydooda taas oo ay u sahleen iayagu in lagu caytamo coment ka ay fureen waxaan leeyahay walalayaal shacbiga somaliland hadii aad tahiin arintaas waad ka dheregsantihiine gacantiina iyo afkiinaba wax kaga qabta

maamulakana uga digayaa in aanay ogolaan waxaas oo kale waxaan idinka rajaynayaa hadii in uun aa tihiin waxgarad muwaadinin ah waa in aaad nag xidhaan qaybta coments ka oo noqotay sidiii paltolk oo kaleeto

 wa bilaahi tawfiiq

Omar Mohamed Adi