Ogeysiis: Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo bilaabay diiwaangelinta Suxufiyiinta

Hargeysa-15,Dec,2011-(Berberanews)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa dib u bilaabay diiwaangelinta suxufiyiinta doonaysa inay xubin ka noqoto uruka, islamarkaana buuxin karta shuruudaha ku xidhan xubinnada.

Sidaana waxa lagu sheegay Ogeysiis uu soo saaray Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, kaasoo u qoran sidan;

“Waxaannu si sharaf iyo xishmad leh u ogeysiinaynaa dhammaan suxufiyiinta Somaliland in dib loo bilaabay diiwaan-gelinta suxufiyiinta jecel inay ka mid noqdaan ururka SOLJA, si loo siiyo kaadhadhka aqoonsiga, ka dib marka ay buuxiyaan shuruudaha u yaal.

Sidaas darteed, suxufiyiinta danaynaya ka mid noqoshada ururka, waxa lagu wargelinayaa inay la xidhiidhaan madaxda ururka ee Gobollada dalka oo ay kala hadli karaan:

Hargeisa – 4425692 ama 4479774

Togdheer – 4437457

Saaxil – 4446472

Awdal – 4500498

Sool – 4494202

Sanaag – 4475343

AMA email-ka  diiwaangalinta suxufiyiinta solja oo meelkasta aad  kalasoo xidhiidhi karo oo ah

soljaregi@yahoo.com.”