Berbera oo hoy u noqotay Cadaallad darada iyo Cagajuglaynta

14,Dec,2011- Waxaan Salamayaa dhamaan Muwaadiniinta Somalililand meel kast oo ay joogaan  gudaha iyo debadaba,  gaar ahaan warbaahinta  Somaliland.Waxaan aad ula yaabay waxyaabaha kasoo cusboonaaday guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Berbera ee Gobolka Saaxil.

Sida lawada ogsoonyahay, dadka Somaliland  codkooda waxay ugu hagar baxeen Xisbigii Kulmiye oo ay filayeen in ay hormood u noqdaan horuma, cadaalad  dhan kasta ah ay gaadhi doonaan, laakinse waxaa dhacday in maanta ay dadkii codkooda siiyay  ku hungoobeen islamarkaana ay noqotay wax lama filaan ah  (ka daroo dibi dhal) booran hadami ha qodin ku dhici doontidada ma ogid).

Somaliland Galbeed ilaa Bari, Gobolada dhaxe, Dhamaan shacabku way qaylinayaan, guuxayaan oo cabanayaan.

Hadii aan u soo noqdo maqaalkayga , Berebara waxaa ay noqotay meel uu ka jiro maamul kali talis ah oo aan xitaa dowlada dhaxe ka war haynin waxa ka socda magaaladaas.  Waxaa jira oo cad in gabbod falyo dhinca binadamka ahi uu ka jiro sida xidhitaan, hanjabaad iyo boob loo gaysanayo muwaadiniinta magaalo xeebaadkaasi.  Waxaa jiray berigii Afwayne in uu  lahaa , ama  afkaaga hayso ama afwayne raac ama afgooye ayaa ku mudan. Taasi oo kale ayaa runtii ka jirta magalada Berbera.  Hadii aad  taageeri waydo maamulka jira iyo xukuumada Somaliland ama aad runta sheegayso waa laguu hanjabayaa , lagu xidhayaa amaba shaqada lagaa eryaaya.

Hadaba, waxaan u sheegayaa in ay dadkani ka soo dagaalameen  gumaystihii afawayne  islamarkaana aanay u dul qaadan karaynin guumaysi, hatidaad iyo cagajuglayn danbe.

Waxaan madaxwaynaha sharafta leh ka codsanayanaa in uu wax ka qabto maamulka Macangaga ee ka soo baxay Berbera kaasi hadii aan si degdeg ah loo qaban keeni kara isku dhac.

Waxaan kaloo u sheegayaa dadka reer Berbera in ay ka biyo diidaan waxa ay samaynayaan nimankan xidhxidhaya, niyad jebinayaa dhalinyaradiinii jaamacadaha kasoo baxay ee rayigooda u soo gudbinaya umada Somaliland.

Waxaan aad ugu xumahay dhalinyarada loo hanjabyo iyo kuwa la xidhaayo  ee ka sii socda berbera.  Hadii cadalada la waayo   oo qofkasta oo hadla la xidho  mustaqbalkeena muxuu ku damabayn doonaa?

Somaliland

Mahadsinidiin

Xassan Ibrahim

London UK

hassan.caafi@gmail.com