Magaalada Berbera waa hooyada Somaliland, waa magaalada 90% ay ka soo xaroodaan dhaqaalaha Somalilanad, hase ahaate, waa magaalo-xeebeed kuleyl ba’ani ka jiro oo dadkuna aanay ku noolaan karin koronto la’aan.
Iyadoo ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiyena ay ku jirtay xilligii ollolaha doorashooyinka in uu leydh la’aanta nafaysay Berbera uu wax ka qaban doono haddii ay codkooda siiyan dadkuna ay aad ugu riyaqeen balse markii ay ku guuleysteen doorashadii aqalka Madaxtooyada balan qaadkaasi noqday mid dhicisoobey, dawlada cusubna waxa laga rajaynayey in ay isbedel maamul oo dhab ah ka sameyso sida ay meelo badan uga sameysay
Sida aynu wada ogsoonahay korantadu waxay kow ka tahay nolosha reer xeebeedka waxaanay baahanyihiin laydh 24hrs sidoo kale goobaha caafimaadka oo bukaan jiifku ku noolaan Karin cusbitaalka marawaxad la,aan sidoo kale goobaha waxbarashad sida jaamacadaha , iskuulada dawlada , madarasadaha iyo misaajidada oo ah iyaduna halka ugu badan ee ay bulshadu ku xidhantahay waxna ka bartaan kuna cibaadeystaan ayaa iyaguna u baahan laydh joogto ah oo qimo jaban kuna filan si doo kale waxa iyaguna la ildaran laydh la,aanta baahsan ee magaalada haysa goobaha ganacsiga meheradaha yaryar oo aan iyagu awoodi Karin inay laydh la,aan shaqeeyaan .
taas waliba waxa udheer gabi ahaanba in saacadihii laydhka aan laga helin Berbera markii cida maamulka gacanta ku haysaa ay yidhaahdeen soo qaata saacado la yidhaahdo W12 oo laga leeyahay wadan jarmalka ay iskaba daayeen dadkii saacadaha ka ganacsanjirey , reer berbera manta waxaay saacadaha usoo doontaan magaalada hargeysa xataa saacadii waxey berbera ka gaadhey $ 36 , taasna waxa u dheer qofkii reer berbera ah laydhka ka hadla in laydhka laga jaro haddi laga jarana aanu heli karin laydh kale
Haddaba Berbera waxa mudooyinka u dambeeyey haystey koronto la,aan taas oo sababtey in magaaladii bakhtido laydhkuna maqnaado qadar saacado ah taasi ay hakad geliso adeegii bulshada
magaalada markii hore waxa shidi jirey laba mishiin oo waaweyn oo keentay xukuumaddii riyaale mudo saddex sano ah u baxaayey , balse labadii mishiin mid ayaa duqeeyey ,markii u duqeeyey is mey odhan mishiino soo iibsada oo wax kale doonta mishiinkii kali ahaa mudo sanad ah ayuu baxayaa ,taas oo sababtey inuu yeesho cilado joogto ama uu ku filnaanwaayey magaaladi taas oo ilaa iyo hadda aaney wax ay ku badalaan ama ay ku kabaan mishiinka aaney keensan , cida maamulka gacanta ku haysaana ay tidhaahdo dawlada ayaa keenaysa
sida ilo xogogaali ay ay sheegayaan marka lakalo jaro dakhli iyo kharash lacagta ka soo baxdaa waxay ujari lahayd mishiino cusub. lakiinse ma dhicin dawladu dabogal kumaysameyn run ahaantiina waxaad mooda in dawlada cusub iska indho tirtay cabashada joogtada ah laydhka oo la odhan karo waa aafo haysata dadka reer berbera oo aanay cidi u ogeyn.
Siday ilo xogogaali tibaxeen misaaniyada warshada marka kharash iyo dakhli lays barbar dhigo waa sidan hoos ku xusan.
ID | Description | K.W | U.Price | T.Price | |
1 | Dakhliga soo xarooda bishii | 180000 | K.wat | $ 0.8 | $ 144,000 |
Total | $ 144,000. | ||||
Kharashaadka Wakaalada Korontada ku baxa bishii | |||||
2 | Shiildaal | 240 | Foosto | 170 | $ 40,800. |
3 | Mushaharka shaqaalaha | 1 | 11000 | $ 11,000. | |
4 | Saliida injiinka | 1 | Foosto | 500 | $ 500 |
Total | $ 52,300 |
Dakhliga in taas leg warshada leydhka habayaraate waxba loogu qaban khasnada dawladana aan ku dhicin ,lacagtaas haddii si masuuliyadi ku dheehan tahay loo maamuli lahaa wax weyn ka badeli lahayd koronto la,aanta baahsan ee saameynta weyn ku yeelatey magaalada xeebeedka berbera
Looguna soo iibin lahaa mishiinka ay baahida u qabto, magaaladana ku filnaan lahaa .
Adeegyada bulshada ayaa iyaguna ah qaar aad u liita oo aan sidii la rabey umada loogu adeegin sida ciladaha yaryar ee ka yimaada xaafadaha magaalada ku yaala iyo waayiro si aan nidaamsaneyn u yaala dab badanina kaga lumo
Haddaba wakaalada korontada ee berbera maaha mid madaxbanaan ee waxa ay hoos tagtaa oo gacanta ku haysa dawlada hoose taas oo uu maayirku uu u magacaabey xildhibaan golaha deegaan ka tirsan oo magaciisa layidhaahdo carab dhag carmo sharci ahaana aan banaaney xildhibaan umadu ay usoo dooratey inuu u adeego inuu hadana noqdo shaqaale dawladeed aanu kana warheyn meeshii madaxda looga dhigey markey bishu dhamaatuun soo xaadira , Badhasaabka gobolka saaxil waxa uu ka indho qarsadey wakaalada korontada musuqmaasuqa iyo cadaalad darada ka jirta taas oo ay dawlada dhexe siisey 600 oo foosto looguna talogaley in magaalada qiimaha loogu jabiyo balse aan la garaneyn meel alaaliyo meel ay martey taasna waxa sii dheer maxjarka Jaabiri oo ugu deeqay $ 70,000 kun oo dollar uguna talo galay horumarinta gobolka saaxil sida korontada ,waxbarashada,caafimaadka I.W.M aan iyadana la garneyn meel ay ku baxdey
Sidoo kale waxa iyana indhaha laga qarsan Karin bakhbakhtiga laydhka oo maalintii iyo habeenkii marka laysku daro ilaa 6jeer bakhtiya taas oo ay dhacdo haddii aad shidaal ubaahato in aanad helin kaalin shidaal oo shaqaynaysa madaamo ladiiday in ay ubaxaan shirkadihii (private electric power stations) taasina ay keentay in aanu qofka ay is qabtaan masuulka warshada in aanu heli Karin leydh kale.
Axmed Siciid Maxamed
Berbera/Somaliland.
Aragtidani waxay gaar u tahay qoraaga maqaalka, hase ahaatee, Berberanews waxay keliya dhiirrigelinaysaa xorrimada fikirka muwaaddinka oo Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland u dammaanad-qaaday inuu qoraal, sawir, hadal iyo qoraalba ku cabbiri karo aragtidiisa shaqsiga ah.