Qabyta yeedhaysa: Gabay Ka Hadlaya Kacdoonada Carabta iyo Sida Wakhtigu Isku Bedelay

 Tixdan gabayga ah waxaa tiriyay abwaan garyqan Ismaaciil Idiris Iimaan, waxaanu abwaanku  kaga sheekaynayaa kuna tusaalyanayaa waayaha cusub ee u beryay umadaha aduunka dhamaantood gaar ahaan  carabta  oo mudda dheer usoo talinayeen hogaamiyayaal kalidii taliyayaal ah oo  qoorta kaga taagnaa kuwaasi oo abwaanku tilmaamayo inay maanta ka gilgisheen dalalka qaarkood  iskana tuuray, halka abwaanku gabaygiisa ku sheegayo inay dalal kalena ilaa iyo hadda kazoo taagan yihiin hogaamiyayaashooda. tixdanna waxay tilmaan ka bixinaysaa wixiidhacay,  waxa taagan iyo waxa soo socdaba. Tixdaasi oo dhamaystiranina waxay u dhigan tahay sidan ee akhris wanaagsan.  

 

Qisoba waa qisee qawlkaygan maqal

Madaxweyne  qaran boqor qoys tirsada

Qalbi awdanbaa runta laga qadshee

Qanjeelaney qaran halka qoontu taal

Dar la quudhsaday ku dul guurayaan

Qaniinyada ilkaha qadha loo gashaday

Qanjidhadu sahlane qool daan ku dhacay

Qanjaruufo iyo qosol loogu daray

Sidaasaa qabsoo qol-ku-raag midiyo

Wiil gaadh ku jira loo qojiyaa

Qarbad naaxaybaa umad lagu qasbaa

Qabaar iyo falbeey ku qaruurasheen 

May qiyaasin talo qaayib inay maruun

Qaydka iska rogi  qaaliyada habsani

Duul qamaamayaa qodimada jabsani

Qadhaabkuu ahaa qadhaadh oo dhadhami

 

Tankaleeto qabooo wax ku qaata idhi

Qardo iyo xanuun banu aadam qabo

Habar qulubtayoo odaygeed qaldhabi

Qandho iyo xumadii quluubaa gediyi

Su’aal qiimo badan waxay qalaf ku tidhi

Qardhaasha wadaad qudh ma baajiyaa

Jawaab lagu qanciyo soo qadimay muftugu

Qaadir wuxuu idmaa looxa kuugu qoran

Shucuubaha qarracan qaasi kaw ka tahay

Qaadhaan urursatada qaloojaha dhurtaa

Qand ibuuxsatada qalanjada irmaan

Qoolaydii xijaas qabku lumiyay ee

Dhaxalkii qumane (csw) kaligood qudhqudhin

Ma qaraaryaan waxan uma qabtaan

Qaradlaha la tuma qashka lala dulmaro

Qadhiidh inay noqdaan qusuusida xamrani

Qaybka looma dayn qudhabaa loo arka

 

 

Tankaleeto qabo qolaab u sheeg

Quruumaha xornimo u qayshaartiyo

Qaran diidaa dhurwaa u qabaanaas iyo

Is qar dhoofeyoo guushu qolo la taal

Qorqodahaderyah gudaha u ritee

Qarqarada danbiyo qadaadkuu balqeen

Qardhabkii haduu qaadaa is biday

Carabi qiiradii kamay qarin naflaha

Qaradhkaa wax tolay qaasigii is gubay

Gaalada qaada umay helin qiyaas

Qorshaha ma garan kuwii dunida qabaye

Tuunis laga dhex qad qaniiyo xajiin

Saw binu cali ma qaban qoor uu martiyo

Qalqalkii ma sugin nafta meel ku qaad

Qormo reer kaluu ku qallalaa la yidhi

****************************

Qaandhowgii ku xigay masar qiiq ka bood

Umay daban gayood qaraxa labaad

Qaaradaha shanta ah qooriga sweys

Qardo lagu hirtaa qaliyuu ahaa

Qaahira hormood qaa’id dhabo ka tahay

Dhalintii qarniga miidaamada qabsade

fase boog ku qore codkii ay qabeen

Quwadii dadkee qabirneyd la arag                         

Qaflihii la jabi qarqarsiguu la goo

Qulqulkii shacbiga qaaqdii dulamane

Qudhaaniyo aboor godka la garaac

Quudon quutadii shax qadhaadh la dege

Caddo qululis iyo qidh yar lal ciyaar

Qawdhan xarakadii qiime hoose sii

Qoofal taba kaliyo tub qaloocan raac

Eyda qabo la baray fardo qalab la saar

Guulwade qayiran qurjuf qurjjuf keen

Hadba qindhicil iyo qirinqiir ku didi

Qaaciyo sun daran loo qabee shirkii

Rasaas qararacliyo lagu tuur qallado

Ragii qooqi jiray qoodhi la waa

Qofna galow ma odhan uqutuure dhibtii

**********************************

 

 

 

 

 

Mar labaad isaguna qaruun orka muu qarsane

Qarbaabushkii helay qalimaale hobel

Filihii qaldamay been qiil ka dhigay

Qarbadaad dar wada qaacido ku sheeg

Qayayaabkii hadal xusni qaylodhaan

La dhex qaad carrga ciid la qadaa waa

Qusur oodaniyoo qol dambaa la dhigey

Qudhac dhacay la yidhi wuxuu qoraa yaraa!!!

 qalaadalduul unsadey qasnaduu jabsadey  

habartii qardhabo labadiisii qeyl

gaadoo waxay sugaan qaanuun iyo maxamed

 

Gaadhowgii ku xigay qaas iyo shidaal

Ma qasoohihii qabqablihii dagaal

Qawlysatihii qalatadii dheg dheer

Qoorta taagi jiray i qarshaay ma yidhi

Dhaaxuu qisaas raguu soo qabsaday

Cidina quuq ka odhan ka qabtaay la odhihin

Hadba laba qoluhu qayrada eryado

Gaboonada hadhgalo diirta qoraxda wadho

Qurux male afduub qombor laga dul guur

Saaka saw ma qiran inuu qoobad iyo

Qolmadow fadhiyo qarka saaran yahay

Qamiis iyo shardoon seeftii qamad  malaha

qaraabiyo xigtada qaasiyo xasabo  (qaariyo)

U galeen qarbiga sirtiisii qayaxan L

liibiya qarqaran qoomiyado burbure

Qabta yeedhasaa ma qaadaafibaa

Qandhawgii ku xigay saba qabar ka yimi

Cali saalax qaw iyo qar dheer yaman ka tuur

Qabiil iyo bakhtuu ku quwayso yidhi

Qudh iyo maan ku dhehe qolo nalama tihid

Qaska ada galee ka dabaalo quuf

Qaawanaha hor tuman masitaan qoryee

Qeyliyo sawaxan qalabaawi hees

Sacab qaawanbay irxal ugu qoreen

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Geed qaadkii xigay qalab lagu dalbaday

Taangiga  qafilan dayuurado qalwada

Kuwaan qabarba hayn ku dul qubee gantaal

Qamuunyiyo colaad qayraami dhiig

Jidhka qaliga ah qolqolada ma wadhay

Qaafada haween caruur qaayo badan

Qadayayda dumar  qanyaraheed la dilay

Qulquladaha dhacay ragga u qoolanbaa

Wallee loo qabqaban oo loo qotomin

Qool lagu xaslani ku qumudi xabsiga

******************************

Qaandhawgii ku xigay qalalaanse furaan

Qdar dhacay warkii marag qudha u diid

Qurux male aduun ka qalee ma odhan

Qasqaas asad ka hadhay calawgii qadhmuun

Qoratada ribdhee qaniintaa xortii (qantuugtaa)

Ma qalxay gobtii mowgu darey qafuuf

Reer suur qori xogii qamadka mawga simey

Qudrad loo cubkaday qatawaha ku dhacaa

Qamas iyo diraac saw qool ma sudhin

Qarja oodan  iyo maku xidhin qarwaa

Qawqawle hubo qamac darran ku ridey

Qaxar iyo dhib kale goorta sow ma galin

Qarjajaas nin weyn maatadu qatalan

Xuduudaha ka qumee turkiga u qalwade

Qato gegi cid lala ka qamaadayaan

Qawsaar kaley qabtu saaran tahay

Qalcadaha dhisteen qasriyaday hurdaan

Qun yar loogu tagi oo la qabqaban

 

 

 Submitted By: Ahmed Biito