Falanqayn: Buugga Qaylodhaan Deegaan

Sannadahan danbe buugaagtii aan akhriyayay ma jiro mid aan u xiiseeyay sida buugga ”Qaylodhaan Deegaan” uu qoray Ahmed Ibrahim Awale. Sababtuna waa mawduuciisa oo madi ku ah qoraallada soomaalida iyo weliba duluc ballaadhan, xogogaalnimo iyo cilmibaadhis uu ku slaysan yahay, isagoo farshaxanimo heer sare ah ku soo bandhigay halis ku gedaaman deegaannada dalkeenna, gaar ahaan kuwii ku caanbaxay hodanimada dabeecadeed.

Guud ahaan mawduuca wacyiga deegaanku waa mid ka maqan badi xiska soomaalida, iyagoo arrintaas la wadaaga qaar badan oo ka mid ah dadyowga dunida saddexaad, oo dardar xoog leh ku xaalufinaya hadhaaga dabeecad san oo ka badbaaday xagaafka naxariis darrada ah ee xadaaradda cusubi horseedday, kana dhoyla’ isbeddellada cimilada dunida iyo diirranaanta gibilka dhulka, oo maanta si wayn looga qayliyo.

Buugga ”Qaylodhaan Deegaan” wuxu xadantaynayaa dareenka gama’san; indhahana wuxu ka jeexayaa caadka saaran;  qofkana wuxu ku baraarujinayaa gogoshiisa gubanaysa. Dhab ahaan waa mawduuc xasaasi ah, xaqiiqada uu yahay ka sokowna dadnimo xanbaarsan. Waxana si fiican u garan kara qofka is barbardhiga deegaankii shalay iyo ka maanta. Isaga ayaana saadaalin kara deegaanka ay berri ku barbaarayaan ubadka danbe, haddii xaaladdu sidan ku sii socoto.

Waxa buuggu faahfaahiyay, inkastoo ay murugadeeda leedahay, halkii lagu gondogooyay geedkii goblanimo baxay ee badhtamaha suuqa Hargaysa iyo xaaladda damashii suugaanta badan lagu halqabsaday ee magaaladaas;  geerida geedkii dheenta ahaa ee jidka Berbera; godinta haawisay iyo dabka hurunsheeyay geedihii haybadda lahaa ee gobka iyo galoolka; yicibta sii dabargoaysa; dayibka sii gabaabsiga ah; silica iyo saxariirka haysta kaymaha iyo dhiroonka buurta Surad oo qaar badan oo ka mid ah aan laga helayn dunida inteeda kale; bannaynta iyo baabiinta dhamastii xeebta Batalaale; dacaayadaha nacaybka iyo karaahiyada xanbaarsan ee ku socda geedka waxtarka badan ee garanwaaga;  iyo guud ahaan dhuxulaysiga soo xaalufiyay dhulka oogada ah, haddana soo fantay buuraha silsiladda Golis.

Tayodhaca deegaanku kuma koobna dhirta oo keli ah, sida buuggu tilmaamay. Waxa kale uu saameeyay noolayaal uu ka mid yahay xayawaanka naadirka ah ee dameer debedeedka ama gunburiga, oo neefaf tiro yar oo dayacani ka sii riiqayaan. Ayaandarro, haddii neefafkaasi le’daan ma jirto meel kale oo dunida laga helayo gunburi, marka laga reebo dhawr neef oo dalka laga qaaday, oo hadda lagu dhaqaaleeyo seeraha xannaanaynta duurjoogta Al-Wabra, ee ku taal badhtamaha dalka Qatar.

Isbeddelka cimilada dunida, faahfaahinta farsamada guriga cagaaran iyo raadaynta doorsooka cimilada ee dhulkeenna ayaa si fiican loogaga boganayaa buugga. Wuxu akhrisaha taabsiinayaa heerkulka kordhay dhulka jooggiisu sarreeyo ee dalkeenna, deegaan dhireedkii kala duwanaa dalkeenna oo wax badani iska beddeleen, cimilada gabbaldayaha noqotay ee aan la isku hallayn karin iyo ceeryaantii lagu arki jiray buuralayda dushooda iyo meelaha sare oo aad u yaraatay. Siiba cutub dhan ayaa buugga lagu faahfaahiyay sababaha keenay hoosudhaca ceeryaamadii buurta Gacanlibaax iyo saamaynta ay ku yeelatay nolosha iyo noolayaasha.

Halisaha deegaanka soo foodsaaray ee buuggu ka qaylodhaamay waxa ka mid ah dikhawga ciidda iyo biyaha. Wuxu si gaar ah u faahfaahiyay sunta ka fakatay xeradii ayaxa Hargaysa, oo ahaan jirtay xarunta ladagaallanaka ayaxa lamadegaanka bariga Afrika, isagoo tilmaamay in ilaa 80.000 oo litir oo kimikooyin halis ahi ka daateen weelkii ay ku jireen ee gaboobay. Waxa kale uu faahfaahiyay kimikada qashin ahaan uga baxda wershedaha hargaha iyo saamaha, oo badi ka dhisan magaalooyinka dhexdooda, si fududna u dikheeya carrada lagu nool yahay iyo biyaha la isticmaalo.

Gebogebo ahaan buugga ”Qaylodhaan Deegaan” oo ka kooban curisyo la ururiyay, kuna qoran af soomaali iyo ingiriisi ayaa soo bandhigay talooyinka iyo tusaalayaal lagu badbaadin karo deegaanka dhirta iyo xoolaha laguna daryeeli kara cimilada ciidda iyo biyaha. Waxana weeye barbilaw qiimo leh oo lagu binayn karo tallaabooyinka danbe ee la xidhiidha baraaruga wacyigelineed ee deegaanka. Falanqaynta buuggana waxa aan ku soo gunaanadayaa mid ka mid ah cinwaannadiisa: ”Qofka Geed Beeraa, Rajo ayuu Beeraa”.

Ahmed Diria Liban
Coenhagen – Danmark
a.liban@yahoo.com