Xildhibaan Nasir Xaji Cali Shire waxa uu Nooleeyay Rajadii waxbarashada Gobolka Saaxil

Berbera-(Berberanews)- labaatankii sano ee ay Somaliland cagaheeda ku taagneyd waxa bulshada reer berbera gaar ahaan dayarta reer Berbera dhibaato weyni ka haysatay dhinaca waxbarshada sare.
Ardayda ka baxda dugsiyada sare ee Berbera waxa cabsi iyo wer wer ku hayay meel ay ka heli karaan tacliin jaamacadeed, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah dantu ku keliftay inay magaalooyinka kale ee Somaliland waxbarasho jaamacadeed u doontaan, taasoo ehelkoodii ka fogaysay.
Wer werka iyo kaamacad la’aanta da’yarta Berbera waxa soo af-jaray Xildhibaan Nasir Xaji Cali Shire oo magaalada Berbera ka aas-aasay  Jaamacada Golis ee Berbera, isagoo shaqadiisii xil-dhibaanimmo uga soo haajiray inuu da’yarta gobolka Saaxil fursad u siiyo waxbarasho jaamacadeed, isaga oo magaalada berbera ka hirgaliayay Jaamacada Golis, kuna mutaystay Magac iyo maamuusba iyada oo taariikhda inta la ogayahay aanay jirin magaaladan berbera Jaamacad tan ka horeysay oo laga hirgaliyay.
Waxaanad magaalada berbera ku arkaysaa dadkii oo u heelan waxbarashada Jaamacada Golis oo ay sitaana buugaagta  uu kuxardhayay magaca Jaamacada Golis waxaanad arkayasaa marka aad booqato Jaamacad Golis University Berbera Wiil iyo aabihii oo cashar wada qaadanaya waxa kale oo ay ishaadu qabanaysaa Masuuliyiin tira badan oo isugu jira Xildhibaano madaxda Dekeda iyo masuuliyiinta sarsare ee Ciidamada oo iyaga ay Jaamacada Golis ugu deeqday waxbarasho bilaasha oo laxidhiidha dhinaca sharciyada lagu kala hago bulshada iyo Qawaaniinta booliska ee caalamiga ah taas oo ay Jaamacada Golis ku mutaysatay magac weyn oo lagu tixgalin doono taariikhdana ugali doona.
 
Dhinaca ardayda waxkabarta ayaan saluugin kharashka ay Jaamacadu ka qaado ardayda dhigta waxaanay kutilmaameen mid macquula oo fudud Xildhibaan Nsir Xaji Cali Shirena ka soo baaraan dagay ka hor intii aanu furin Jaamacada fiiga uu ka qaadi doono ardayda reer berbera isaga oo Eegaya xaalada dhaqaale ee bulshada reer berbera iyo isaga oo aan Jaamacadan ufurin in uu ka macaasho laakiin ufuray gurmada waxbarasho oo uu ugu talagalay Gobolkiisana dhinaca Jaamacadaha ka aradnaa Mudada dheer laguna tilmaami jiray mid ka gaabisa dhinacyada waxbarashada Asaasiga ah bee dalka.
 
 
Maxamuud Jabiye
Maxamuud-87@hotmail.com
Berbera/Somaliland