Fariin Ku Socota Maamulka Talafiishanka Horn Cable (HCTV)

Bislaamihi Raxmaani Raxiim marka hore waxaan salaamaynaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland meelkastay joogaan .
 
Intaas ka bacdi waxan jecelahay inaan halkan fariin uga diro maamulka talafiishanka Horn Cable TV taasi oo ku aadan arin laga naxo oo talafiishankani soo baahiyay maalintii shalay ahayd taasi oo ah in habkii beelaha loogu kala qaadi jiray warka ee indhawaydba laga ladnaa uu talafiishankani soo daayay sida beel caayaysa beel kale iyo abaarista cid gaara.
 
Hadaba qarankai jamhuuriayada Somaliland ayaa isagu ah mid ku caana maalay nabadgalyada ka jirta dalka taasi oo udub dhaxaad ay u tahay sacaafada Somaliland waxaanu talafiishankani hctv uu ka mid yahay halbawlaha saxaafad dhisa karta duminina karta dhismaha qaranka Somaliland.
 
Hadaba Mudanayaal waxaan idinka Codsanaynaa  inaad xeerisaam dhismaha iyo jiritaanka Somaliland iskana daysay soo gudbinta barnaamij iyo warar dhinaca lagu saarayo cid gaara taasi oo hadii aad ka dhabaysaan  aad horumar gaadhikartaan.
 
Fariintaydani culus ee aan u soo gudbiyay maamulka talafiishanka Horn Cable tv waxaan rajaynayaa inaad qaadandoontaan .
 
 
Niciima Cali Faarax
 
E-mail:Niciima12011@hotmail.com