CALANKAYGII SHARAFIYO CIIDAYDII DAHABEEY CASHAR AAN CABAAD TAHAY CILMI AAN BARTAAD TAHAY

Waxaan salaamaya dhamanba shacabka reer somaliland qaybahooda kala duwan laamaha saxaafada iyo inkastoo maqaalkeygan wakhtigooda siisa oo akhrida

Sida aynu ogsoonahay dawaladan maanta jirtaa waxaan odhan karnaa isbedel muuqda oo lataaban karo ayay ku talaabasatay waana midii laga sugaayey inay balaqaadkeedii oofiso,  aadna way ugu mahadsan tahay runtii waa aynnu ka wada warqabnaa is bedelada maantaba laga dheehan karo ee xaga horu marka iyo arimaha bulshada ee aasaasiga.
Waa in la is garab istagaa si ay dedaalkeeda u sii xoojiso hambalyo ayeynu leenahay.  Teeda kale runtii waxaa nasiib daro ah in maalin kastaba cabasho taagani oo an dhamaad lihini ay joogto inoo noqotay waxanan taas leeyahay horta maqaran baynu nahay mise qabiilkii baynnu weli taaganahay waa nasiib daro runtii in aan weli dadka qaar u bislaan qaranimadu waxa ay tahay. Teeda labaad runtii dadkani waa qaran madax banaan danihiisa iyo aayihiisan u tashaday hadaba waxaa wax lala yaabo ah wax laga tagay wakhti hore nin weli kusii riyoonaaya hurdada ka kacbaan odhan lahaa somaliland socotaye.
Bal hadaba weedhan yar ee koobane aan ee muwaadinimadu ku dheehan tahay bal ila eega.
dawladaydan barakeysan danahayga eegaysa,
cadawageyga duminaysa ceebtayda qarinaysa,
ciyowgiyo dugaagiiyo iga dayrtay dacawgii,
calankeygii sharaf iyo ciidaydii dahabeey,
cashar aan cabaad tahay cilmi aan bartaad tahay,
cindigayga laabtiyo caqligaygii baad tahay,
cududeydii baad tahay.
calankan casaankiyo cagaarkiyo cadaanahow,
cadaw deyre baad tahay,
qaran xoogan baynu nahay maanta,
qotodiisu ay dheertahoo cadawgiisa diidaaya,
colaadna  fogeeyaye calankeenan qiimaysan,
qotominoo quruumaha qaarad walba gaadhye,
qudhoo rag uu u waayiyo qaar kaloo laxaad liyo,
qadhaadh aan yaraynbaa go´aankaas rag u qaatee,
qardadoo loo adaygiyo qubayskii rag uu u diidiyo,
qandhadoo loo seexan waayiyo qadhaadhkii loo biday sidasee,
qiimo aanan koobi karinoo yaraynbaa,
qarankani uu ku jooogaaye miyaan sidaa wax lagu qaadanayn
waxan markaa leeyahay qarankani sidaas ayuu ku dhisan yahay oo ragbaa naftoodu ku waayeye siday tahay haloo ilaashado  qolyahaas kalena waxan leeyahay xaqiiqda hayska indho tirina somaliland wa qaran madaxbanaanidiisu aanay cidkale u daba  fadhiisanayne. wabilaahi tawfiiq
Alibashir Jama Ahmed