Waxba Kama Kedelayso Furashada Ururo Cusub Jiritanka Sadexda Xisbi Qaran.


Berberanews-Somaliland waa qaran hirgelay, laakin aaney wali dawaladnimadeeda si buuxda u garwaaqsan dunidu, taaso nasiib daro ku ah dawaladaha dunida ee Qaramada midoobey.
waxayaabaha somaliland ku faanto waxa ugu horeeya nabdgelyada oo ay saldhig u tahay xoriyadda dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadba oo ah ta ay kaga duwantahay wadamo badan oo ah qaarada afrika iyo dunida carabtaba.
dib u heshiisintii iyo ku dhawaaqidii jamhuuriyada somalialnd kadiba waxa dalka laga hirgeliyey dastuur qaran oo hagaya siyaasada dalka dadkana xuquuq buuxda u siinaya in ay wax doorntaan isla markana muwadin kasta la dooran karo si taas u meel marto waxa dastuurku jideeyey furashada ururo siyaasadeed oo  ay ka dhasheen sadexda xisbi qaran ee jira kuwaaso dhab ahaan ah kuwo hirgaley waxna ay wali ka dhimanyihin oo lagu talo jiro in la qabaya tiro. 
Hadaba iyadoo aaney caqliyan aragtideyda ay ila qaban badi bulshada jecel horu-marka iyo taaba galka qarankan in aaney marnaba  habooneyn furashada ururo iyo xisbiyo hor leh oo halis ku noqon karan amniga qaranka jiritanka calanka iyo dimuqradiyda aynu ku faano laf ahaanteda dibna inogu celinaysa nidaamkii beelaysiga iyo kooxaysiga oo mesha kasii baxaya hadda, isla markana  wadankeena ka dhigi karta ummad aan qabaya tirin oon hagaajin waxa ay haystaan lakin mar walba ka soo bilaaba meel cusub oo an uga jeedo hagaajinta 3 xisbi in ay ka haboontahay in furashda kuwo cusub si dhabana aynu ugu sifoobeyno maahmahdii habartii xabada qadi kari weydey ee tidhi in kale kusoo dara suaasha an weydiinayo dadka iyo madaxda ku doodeysa furashada xisib waxa weeyan hadii aynu sadex xibi hagaajisan weyney ma in ka-badan ayeynu hagaajin karnaa?
Hadaba hadii aan usoo noqondo sameynta ay ku yeelanyso sadexda xisibi dib u furashada ururo cusub, hadii ay dhacdo in furasahda ururada cusub lagu kala reebo doorashda dawaladaha hoose waxan qaba in aaney waxba ka bedeli doonin jiritanka sadexda xisbi  sababahan soo socda awgeed:-
1. Doorashada Dawaladaha hoose oon ahayn tan ugu muhiimsan ee hogaanka sare ee dalka lagu soo dooranayo isla markana aanu  urur ka bilaabay eber (zero) aanu u babac dhigi karin xisibi khibrad u leh tartanka kambeynka iyadoo inta badana dorashoyinka xisbigu ku kala jajabo oo ah dorashoyinka lagu soo dooranayo Hogaanka sare ee dalka sida madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweyne.
2. Magacyada sadexdan xisibi oo taba galey isla markaana an u baahneyn in ay hada is baraan bulshada nin kastoo siyaasi ahina waxa uu daneynaya in xisibi dhisan oo sumacad iyo magac leh uu iska soo sharaxo, sida aaney isugu faa’iidada u ahayn shirkad caan bax noqotey oo macaamiil badan leh iyo mid hada bilabeysa shaqada oo radineysa macmiil hor leh.
3. sadexda xisbi oo leh Golayaal Dhexe kuwo fulineed madax heer guud iyo heer gobol  oo hirgelay is fahan iyo wada shaqeyn mudo dheeerna wada qaatey inta badana ka faaiideystey waxa badi keeni kara khilaaf kasta xalkeedana helay.
4. Sadexda xisbi qaran oo leh xubno qaran oo ah halbawalaha qaranka sida xubnaha golaha baaralamanka iyo goleyaasha dawaladaha hoose oo saameyn ku leh bulshada iyo inta bixisa codka halgana ugu jirita mustaqbalkooda siyaasadeed iyo kan xisbiga ay kasoo jeedan.
5. dadka u ololeynaya hada furashada ururo siyaasadeed oo aan badi ahayn dad siyaasada dalka miisan weyn ku leh.
6. dhisida xisbi oo u baahan wakhti dheer lacag badan iyo unkida barnaamijyo iyo xeerar haga xisbi oo taaba gala.
7. waxa suurta gal ah in aaney sadexda xisibi aaney soo dooran murashaxiinta hogaanka sare ee dalka iyo kuwa hogaanka xisbigaba ka hor doorashada dawaladaha hoose Dibna ay ugu dhigtaan dorashada deeganka kadiba sababtoo ah waxa xisbiyada ku keena inta badan tafaraaruqa xulida hogaanka xisbiga iyo kan murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
8. Miisanka bulshada oo kasoo horjeeda furashada xisbiyo iyo ururo cusub iyagoo rumeysan in ay tahay dib unoqosho siyaasadeed isla markana umdDa dib ugu celineysa beelaysi iyo kooxaysi lasoo dhaafey sidii dhacdey lixdankii.
sababaha aan soo shegaya oo laysu geeyo sadexda xisbi qaran waxaN isleeyahay waxba kama bedeli doonTO wax dheefana umada iyo qaranka toona uguma jiraan aan ahayn keliya  dibu ugu noqosho  hanaan iyo geedi isa saxayey oo laga soo gudbey Isla markaan aan noqoneyn mid kasii hagaajineysa sida ay yihin maanta xisbiyadu.

Axmed Saleeban Nuur
axmed_saleeban@hotmail.com