Farmaajo iyo Hassan Sheikh waa laba dayuus oo qaranimadeena dafirsan

Waxa Madaxwaynaha Somaliya loo doortay; Hassan Sheikh. Aniga ninka qaranimadayda dafirsan tahniyad uma hayo, laakiin waxan kelmad ka odhanayaa halka uu ka taagan yahay qadiyada Somaliland iyo faraqa isaga iyo Farmaajo u dhexeeya xaga Somaliland.

Farmaajo wuxu aaminsanaa in dalal shisheeye shicibka Somaliland ku dhiiriyeen oo ku qanciyeen inay la soo noqdaan madax-banaanidoodii. Marnaba kuma qanacsanayn in Shicibka Somaliland rabaan in xornimadooda haystaan oo aanay mar dambe bixinin. Wuxu kaloo aaminsanaa in madaxdu dadka khasbayso, shicibkuse rabo fikir kii Somali-wayn iyo Somalia.

Hassan Sheikh wuxu aaminsanaa in reer Somaliland cadhaysan yihiin oo wali wixii Siyad Barre ku sameeyay ka xanaaqsan yihiin khaasatan madaxdan SNM ta wada ahaan jiray. SNM iyo intii cadhaysnayd kelifeen oo ku qanciyeen intii kale inay la soo noqdaan madax-banaanidoodii. Marnaba kuma qanacsanayn in Shicibka Somaliland rabaan in xornimadooda haystaan oo aanay mar dambe bixinin. Wuxu isaguna aaminsanaa in madaxdu dadka khasbayso, shicibkuse rabo fikir kii Somali-wayn iyo Somalia. Waxad maqli doontaa raali ahaada oo ka noqda, waayo wuxu kuu haystaa in cadho ku hayso.

Marnaba ha sugin in Madaxwayne dalka Somalia ogolaado qaranimada Somaliland, taasu waa baabaco timo ka soo baxeen. Sidaa daraadeed aniga Farmaajo iyo Hassan Sheikh waa laba dayuus oo qaranimadeena dafirsan. Inooma kala sokeeyaan, labaduba Allah waxay ka baryayaan in qaranimadeenu aanay guulaysan, sidaa daraadeed waxan ku ducaystaa Illaahayow cadawga guushayda neceb iyaga ku rid dhibka ay aniga ila rabaan.

Qore; Dr. Rashiid Gaaruuf