Tahriibayaal ku dhintay doon ku degtay Xeebaha Djibouti



Djibouti-Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa salaasadii sheegtay in 21 tahriibayaal ah ay dhinteen, 23 kalena la la’yahay, kaddib markii doon ay saarnaayeen 77 qof ay ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.

Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeda bulshada ee X ku sheegtay in rakaabka doonta ay ka mid ahaayeen carruur.

Tobannaan kun oo tahriibayaal ah oo ka imaanaya Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ka baxaya qaaradda iyaga oo sii maraya dalka Jabuuti, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay gaaraan Sucuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka si ay shaqo uga helaan, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka.

IOM ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah ay ku fashilmeen, kumanaan kalena ay ku go’doonsan yihiin dalka Yemen, halkaasi oo ay ku nool yihiin xaalado adag. Ku dhimashada biyaha ayaa ku badan xeebaha dalka Jabuuti, iyadoo dadka tahriibayaasha ahi ay socdaalkooda ku guda jiraan.

Tania Pacifico, oo ah madaxa xafiiskeeda Djibouti, ayaa sheegtay in dhimashadu salaasadii ay kor u kacday tiradii ay hore u shaacisay Hay’adda Socdaalka Adduunka oo aheyd 16.

Waxa ay intaasi ku dartay in 33-ruux oo kale laga soo badbaadiyay biyaha, ayna dadka dhintay dhamaantood ay ahaayeen Ethiopian.

Waana dhacdadii labaad oo noocan oo kale ah muddo laba toddobaad gudahood ah.