#Ethiopia oo ku adkaysanaysa heshiiska is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.

Ballanqaadka #Ethiopia ee Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay #Somaliland la saxeexatay ayaa ah mid aan leexleexad lahayn, inkastoo dhawaan Muqdisho laga sheegay diidmo.

Sida uu sheegay Abdulaziz Ahmed Adem oo ah lataliyaha sare ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, qeyla dhaanta maalmahan ka taagneyd magaalada Muqdisho ayaa loo arkaa dib u dhac ku meel gaadh ah.

Isagoo ka hadlayay shir looga hadlayay amniga gobolka Geeska Afrika, Cabdulcasiis ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay heshiiska is-afgaradka ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay faa’iidada ugu jirta in Itoobiya ay hesho marinnada badda iyada oo la kaashanaysa Soomaaliya oo ah dal leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.

Cabdulcasiis ayaa diidmada Muqdisho ku tilmaamay mid “dhiban”, isagoo sheegay  in looga golleeyahay in lagu jiheeyo caqabadaha siyaasadeed ee gudaha. Iyadoo taasi jirto, wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Itoobiya uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka, wuxuuna ku booriyay iskaashiga ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo tahriibka.

Cabdulcasiis ayaa ugu baaqay dalalka deriska ah in ay mudnaan siiyaan iskaashiga iyo nabadda, isagoo tilmaamay in Itoobiya ay gacan weyn ka geysato dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay khatarta ku imaan karta Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

Warbixinta waxaa qoray abren.org