Argentine oo Interpol weydisatay inay xidhaan Wasiir Iran ka tirsan

BUENOS AIRES — Argentina ayaa weydiisatay booliska caalamiga ah ee Interpol inay soo xidhaan wasiirka arrimaha gudaha Iran sababo la xidhiidha qarax 1994-kii lala beegsaday xarun ay bulshada Yahuudda ku leeyihiin Buenos Aires, kaasi oo lagu dilay 85 qof, waxaa sidaas salaasadii sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in wasiir Ahmad Vahidi uu ka mid yahay wafdi ka socda Tehran oo booqanaya Pakistan iyo Sri Lanka, islamarkaana booliska Interpol uu soo saaray wargelinta cas ee lagu dalbanayo xadhigiisa kadib codsiga Argentina.

Argentina ayaa sidoo kale labadaas dowladood weydiisatay inay soo xidhaan Vahidi, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hase yeeshee wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa ku warrantay in Vahidi uu salaasadii kusoo laabtay Iran, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu dhaariyey badhasaab cusub.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sri Lanka ayaa AFP u sheegay in Vahidi inaanu ku jirin liiska wafdiga Iran ee dalkaas yimid Arbacada maanta ah.

12-kii April, maxkamad ku taalla Argentina ayaa Iran ku eedeysay weerarkii 1994-kii ka dhanka ahaa xarunta bulshada Yahuudda ee AMIA ee badhtamaha Buenos Aires, iyo qarax laba sano kahor ka dhacay safaaradda Israel, kaasi oo lagu dilay 29 qof.

Weerarkii 1994-kii ayaan weli cidna aysan sheegan ama la xalin, hase yeeshee Argentina iyo Israel ayaa muddo tuhunsanaa inay kooxda Xizbullah ku fulisay codsiga Iran.

Dacwad-oogayaasha ayaa saraakiil sare oo reer Iran ah ku eedeeyey inay amreen weerarka, inkasta oo Tehran ay beenisay inay ku lug laheyd.

Maxkamadda ayaa sidoo kale la xiriirisay Xizbullah, waxayna ugu yeertay weerarka AMIA — kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Argentina — “iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada.”

Bayaanka salaasadii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yidhi “Argentina waxay dalbaneysaa xadhiga caalamiga ah ee kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii AMIA ee 1994-kii kaasi oo lagu dilay 85 qof, iyo kuwa weli xilalka haya ee leh xasaanadda buuxda.”

“Mid ka mid ah waa Ahmad Vahidi, oo garsoorka Argentina ay u doonayaan inuu yahay mid ka mid ah kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhanka ahaa AMIA,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo sidoo kale ay wax ka saxiixday wasaarada amniga.

Argentina ayaa horey u sheegtay in Vahidi, oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, uu yahay mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay qaraxii AMIA, waxayna dalbatay in loo soo masaafuriyo.

@Voa