Waaheen – Ummad isku dareen ah oo isu gurmata.

In lagu bilaabo xoologoynta qaranka dadka ugu dhaqaalaha yar ee uu wax kaga gubteen suuqa Waaheen, iyadoo dadka ay xoolohoodu lumay ka yaraayeen 5000 USD lagu bilaabo maanta.

988 kii u horreeyey ee la hubiyey in loo fasaxay maanta adduun dhan $1,872,511 oo laga saaray sanduuqa Guddiga Taakulayntu ay ku leedahay Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In dadkaas oo 30 ka mid ah (18 dumar ah iyo 12 rag ah) Madaxwaynuhu xoolihii ka lumay gacanta uga dhiibo, inta kalena loogu direy isla madashii oo socota teleefonkooda gacanta.

In dadkaasaa xalaalmaalka ahaa ka ugu yari uu sheegtay 73 USD in Ilaahay ku ogyahay wixii ka lumay. Wuu sheegan karayay wax ka badan. Eebbe ha u barakeeyo xoolaha.  Maanta waxa loo celiyey si buuxda qofkasta wixii ka lumay, dadkuu maalkay sheegteen ka yaraa 5000USD.

In dadkii maalka ka lumay uu ka yaraa 500USD loo kordhiyo xoologoynta, oo qofkasta oo lacagtiisu ka yarayd 500 la siiyo 500USD. Tusaale qofkii 73ka lumeen waxa uu helayaa 500USD.

Ilaahay baa mahad leh.
Waxa qoray Jaamac Muuse Jaamac.