Sanaag Oo laga Hirgelisay Xarunta kaydka SIIDHKA Beeraha

Ceerigaabo (WHB) – Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Sanaag Axmed Maxamed Maxamuud oo ay wehelinayeen badhasaab ku-xigeenka Gobolka Sanaag Jaamac Maxamuud Warsame iyo Maayir ku-xigeenka Ceerigaabo Cabdiraxmaan Gaadhi-jiid, ayaa xadhigga ka jaray xarun loogu talo-galay Siidhka Beeraha, kaasi oo ay hirgelisay Jaamacadda Sanaag.

Xaruntan oo muhiim ah, qaybna ka ah dedaallada kor loogu qaadayo Wax soo-saarka Beeraha ee gobolka Sanaag, ayaa Masuuliyiinta xadhigga ka jaray soo dhaweeyeen

Isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee gobolka Sanaag Axmed Maxamed Maxamuud oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan soo dhaweynayaa Xarunta Siidhka ee Jaamacadda gobolka Sanaag hirgelisay.

Isku-duwuhu wuxuu ku amaanay Maamulka Jaamacadda Sanaag dedaalka ay geliyeen xarunta Siidhka, waxaanu sheegay in Wasaaradda Beeruhu ay arrintan u aragto mid dhiirigelinaysa kor u qaadidda wax soo-saarka Beeraha ee Gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland.
…………….
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland
Cabdiqaadir A. Carab