WAXA UMUSHA U DAN AH AYAA
ILMAHANA DAN U AH WQ CALI GURAY

Hadii ay run tahay oo Madaxwayne Muuse uu doonayo in SOMALILAND uu ka bedbaadiyo khilaaf siyaasi ah oo heer xun gaadhi kara waa in  doorashooyinku sida ay u kala horeeyaan aan waxba laga bedelin. Sadexda doorashona waxa horeeya labada dastuuriga ah waa ta Guurtida oo mudaysan in ay qabsoonto bisha May 2022 iyo ta Madaxtooyada oo mudaysan bisha November eh. Doorashada sadexaad oo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururo siyaasadeed waa in ay ka dambayso oo aan mudnaanta laga siinin labada hore ee dastuuriga ah oo aan hore looga soo dhigin wakhtigeeda oo ah December. Hadii daacad laga yahay oo ay noqoto in mid wakhtigeeda wax yar dib loo riixo  ta sadexaad ee ugu dambaysa ayaa ku haboon in wax yar dib looga dhigo wakhtigeeda. Waa hadii ay lagama maarmaan noqoto. Wixii kaleba waa in dalka la geliyo asqo iyo jahowareer siyaasadeed oo aan loo baahnayn lagana badbaadin karo.
Hadii uu Madaxwayne Muuse isagu qaska iyo wareerkaba doonayn oo aanu dano gaar ah ka lahayn  waa suurogal in doorashooyinku ay u kala qabsoomi karaan sida ay u kala horeeyaan.

Murti soomaaliyeed baa tidhaa “waxa Umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah” Waxan uga socdaa waxa Madaxwayne u dan ah waxa shacbigiisa dan u ah”. Waa marka uu yahay laakiin madaxwayne u danaynaya dadkiisa ee aan isagu gaar uga danaysanayn.