Furista ururrada siyaasadda waannu soo dhoweynaynaa fursaddaas.

Siyaasiyiinta xisbiga Waddani ee raacsan furista ururrada siyaasadda waannu soo dhoweynaynaa fursaddaas.

Xisbiga Waddani furistii ururrada ayuu Xisbi ku noqday- maanta inuu diido, waa gardaro weyn iyo khalkhal abuuris.

Waddani indho caddayskan waa lagaga tegayaa- waa inuu Xisbigu dadkiisa haystaa.

Guddoomiye/ Musharax Abdirahman Cirro habka uu uga falceliyey furista Xisbiyada dad badan ayaa doontiisa ka degey, oo hadalkiisa u arkayn mid aan munaasib ahayn waqtigan.

Waa la tartamayaa oo cidna meeshu uma xidhna- waa in aan la miyir beelin, Xisbiyada mucaaridku waa inay kalsooni iyo Qarannimo weyn muujiyaan.

Xisbigayaga Waddani waa inuu dhiirradaa oo sida UCID qaylo ka tolin.

Madaxda Xisbiga Waddani wey ku kala duwanaan karaan arrimaha Siyaasigaa ee qaranka iyo geeddi socodkooda.

Guddoomiye/Musharax Cabdirahman Cirro waxaan leeyahay cid noo kaa keentay ama noo kaa haysaa ma jirto ee horta taasi ogow had iyo jeer.

Xisbiyadu waa geel iyo ninkii dhaqda, anigu geelii aan dhaqday, waanigii ka imid- kan aan imidna raggii dhaqday ayaa jooga.

Nin aan siyaasi ahayni yaanu khalad fahmin- Siyaasadda waxaannu walaaqayney ilaa Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, oo aannu lahayn Golihii Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Urur siyaasi ah ayuu ahaa- dalku Xisbiyo ma lahayn waqtigaas- rag fursad helay waa jireen, waxbase aan korodhsan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Cabdirahman Ciro iyo Xirsi Ali ayaa ka mid ah – oo u baahan inay ogaadaan halkay joogaan ama joogeen meesha ay u dhaafayaan inay ogaadaan.

Waar dee siyaasi xiniinyahiisa nin uma xawilo- ee wax ayey isku biirsadaan oo wada kobciyaan.

Rag badan oo han siyaasi ah leh ayaa jira- aniga ayaa ka mid ah kuwaas.

Siyaasaddii Somaliland wax weyn ayaa halkoodii hore ka dhaqaaqaaya- siyaabo kale ayaa laysu cuganayaa.

Dadka waa la kala dareersanayaa oo dib ayey Siyaasaddu unugyo cusub iyo xoog cusub u yeelan doontaa.

Rag cusub ayaa iman doona oo ururo wata iminka, oo dadna wata runtii.

Xisbigan aan ka tirsanahay, xaggee ayuu ka fadhiisan?

Sharcigu ha sarreeyo had iyo jeer.

Abdilahi Hassan.