Khilaafkii Xeer Lamar 14 Miyuu dhammaaday? WQ Cali Guray

Xeerka waxa muranka geliyay waxay ahayd soo jeedintii Madaxwaynaha ee ku saabsanayd iswaafajinta sadexda doorasho ee 2022 iyo hadalkii Wasiirka Warfaafintu uu yidhi “laga bilaabo maanta way furan yihiin ururada siyaasaddu”, In kasta oo Madaxwaynuhu labada arin ee muranka dhaliyay aanu hadalkiisii maanta midna ku soo qaadin, hadana wuxu cadeeyay in ay qaldanaayeen ee Xeer Lam.14 uu sidiisa dhaqangal ku yahay. Xalka khilaafka goluhuna marka soo jeedintii Madaxwaynuhu ay meesha ka baxdo dabcan wuu dhamaaday ayay ka dhigan tahay waana xal la isla ogolaan karo waayo ma jiro xal badiil ah oo kale.
Marka la raaco hadalkii Madaxwaynaha iyo xeerarka kala duwan ee kala khuseeya sadexda doorasho waxay u kala qabsoomi doonaan hadii Allah yidhaa sadexda doorasho sidan:

1- Doorashada Guurtida oo xeerkeeda la diyaarinayo waxay qabsoomi doonta bisha May 2022

2. Doorashada Madaxtooyada ayaa ku qabsoomi doonta wakhtigeedii November 2022

3. Tartanka xisbiyadan iyo ururada siyaasadda ay ku beegan in ay dhacdo Deceber 2022 iyadoo lix bilood ka horna la furan karo ururada siyaasadda

Xisbiyada mucaaridka laftooda ayaa la filayaa in aanay waxba ka diidi doonin hadii ay sidan u dhacdo oo hadana aan wax kale oo ka duwani iman waayo ma jirto sabab gaar ah oo ay ku diidi karaan.

Hadii wax waliba sida uu Madaxwaynuhu sheegay u dhacaan maxaad ka sheegi Somaliland tagtay Madaxwayne Muuse Biixina Legacy aan Madaxwayne uga horeeyay bay u noqon oo weligii lagu xasuusnaado eh. Waase hadii Ilaahay garansiiyo oo uu kaga rumeeyo. Ilaahayna ha garansiiyo.

WQ Cali Guray