Taiwan ma siin doontaa Somaliland Droneskeeda casriga ah ee Teng Yun?

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ay dawladda Turkey keentay diyaaradaha Drones ee Bayraktar tb2 kuwaasi oo lagu wareejin doono dawladda Soomaaliya.

Arrintani waxay si toos ah uga hor imanaysa qaraarkii cunaqabataynta hubka ee qaramada midoobay ku soo rogtay dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray sannadkii 1992 kii.

Haddii dawladda Soomaaliya oo ah cadaw istaraatiji iyo siyaasadeed oo Jamhuuriyadda Somaliland leedahay ay helleen tiknolojiyadda diyaaradaha dagaalka ee droneska, miyaanay Jamhuuriyadda Somaliland la gudboonayn inay hesho isla tiknolojiyadda.

Dalka Taiwan wuxuu leeyahay diyaaradaha droneska ee militaryga kuwooda ugu casrisan ee dunida laga isticmaalo oo ka casrisan nooca Turkigu sameeyo ee TB2 loo yaqaano.

Taiwan oo ah saaxiibka 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay waxay sameeyan Drones ka loo yaqaano Teng Yun oo ah nooc drones ah oo gantaalaha ku xidhan uu hagayo laysarka turboprop loo yaqaano, waxaana ay hawada ku jiri karaan 24 saacadood oo aan kala go’ lahayn.

Drones kani qaali maaha waxaana xabada la siiya ilaa 25 malyuun oo dollarka maraykanka ah, Taiwan waxay soo saarta sannadka boqolaal xabo, waxaanay u iib geeyan dalka dibadiisa, dalalka isticmaalana waxaa ugu horeeya India, Qatar iyo Emirates ka carabta.

Maxaa haddaba xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka hor taagan inaynu Taiwan oo saaxiibkeen ah weydiisano inay inaga caawiso inaynu dhisno ciidanka Droneska Jamhuuriyadda Somaliland, maadama cadawgeenii shallay diyaaradaha inoo isticmaalay uu Drones hellayo

Amb Mohamed Hagi