Madaxweyne Mootan Hantidiisa Waxa Ilaaliya Madaxwayne Nool

Berbera-(Berberanews)-Madaxwayne silaanyo hadii aan ahay maxed daa.ud cigaal waxaan kuu sheegayaa intii dhulka agoonta marxuun cigaal la haystay waa markii sadexaad ee aad timaado magaalada berbera walina sidii ayaa loo haystaa Anaguna sidii ayaanu u dul taagan nahay  .

qofka libintiisa lama qariyee marwada kobaad Aamin maxamuud jirde way ka hadashay waxaana ay tidhi laga kaco dhulka marxuun cigaal lakiin halkii lagama qaadin hadalkeeda

Sidiina way u degan yihiin dadkii la keenay ee lagu soo daabulay .maanu garan waayin la dagaalama xoogana ku dhacsada wixiina lakiin wax badan ayaanu xeerinaynaa  ,madaxwyane adigu waxaad og tahay dhulka xabaashu tahay hase ahaate waxa jira dhul kale oo xudhuunka berbera ah .dhulkaas dad ayaa u degan ku meel gaadh .in kale oo dhulkaa ka mid ahina way banaanayd.cover cigal

Laba qof ayaa ka iibiyay dhulkaa banana c/raxaam faarax xarbi waxaana ka siiyen ($ 12.000) laba iyo toban Kun oo dollar markii aanu ogaanay c/raxmaan faarax xarbi oo dhisnaayana waanu ka rarnay dhulkii .lacagta labadaa qof  ka qateen waan u celinay waana loo qadhaamay

Labadii qof mid ka mid ah lacagtiina sidii ugu haysta  ayaanu hadana iminka isku haysanaa waxaana la rabaa in mulkiyad loo sameeyo  tuuga .

Madaxwayne maamulka gobolka saaxil mid aanan ogaysiin ma jirto arintaa dhulka hase ahaate angaa iska celinayna oo gacntayada saarayna .Madaxwayne silaayo aniga oo maxed daa,ud cigaal waan kuu hiiliyay markii aad ahayd guddomiyaha xisbiga kulmiye  shaqadaydana adiga dartaa ayaa wakhtigaa layga eryay waana aad ogayd ,madaxwayne hiil aad ii hiilso iska daayo dhulka marxuun madaxwayne cigaal baa hortaada lagu bililiqaystay .madaxtoyada berbera iyo xabaasha cigaalna inta ay isku jiraan waad ogtahay mar kaliya ma soo jaleeci kartaa sida dhulkiisa loo biliqaystay ,markuu noolba ixtiraam wayn baad u haysaye

Qalinkii maxed Daa,ud Ciaagl