Waxqabadkii Dawladda Hoose ee Burco ma wuxuu dhaafi waayay Gaadiid?

Burco-Waxaan mahad ballaadhan iska leh ilaahay (swt) marka labaad waxaan mahad usoo jeedinayaa dhamaan warbaahinta madaxa baan meel kasta oo ay aduunka ka joogto.
Waxaan wax ka tilmaamayaa waxqabadka dawlada hoose ee degmada burco, taas oo shalay 21/12/2013 lagu soo bandhigay hoolka dawlada hoose, wax qabadkaa dawlada hoose sheegtay oo noqday wax baanu soo iibinay oo kaliye ee aan ahayn waxaasaanu bulshada u qabanay, waayo waxaad arkaysaa xaafadihii magaalada oo wali qashin buuxo iyo  bilicdii magaalada oo dayacan.
Dawlada hoose ee burco may fahmin in cashuurta dadka laga qaado ay u baahan tahay in loogu shaqeeyo, oo wax lagaga qabto qashinka meel laga maro la la’ayahy ee dawlada hoosena daawanayso.

Xaamud
Waxa dhibaato labaad ah marka la doonayo in meel qashin laga qaado, qashinkii la qaaday cidi fogayn mayso e waxa lagu qubayaa meel kale oo dad joogo, marka dadka degan xaafadu yidhaahdaan naga fogeeya ma dixda ayaad leedahay ayaa loogu jawaabayaa, taasina waata keentay in qashinku aanu ka dhamaan magaalada.
Markaa waxaan leeyahay dawlada hoose dadka hawgu shaqayso cashuurta yar ee ay ka qaado, ee yaan fagaarayaasha lagaga faanin waxaasaanu soo iibinay oo kaliya, yadoo dadkiina ka aradan yahay waxaas la soo iibiyay.
Waxaan ku talin lahaa in laysu dheeli tiro dhamaan adeegyada dawlada hoose oo ay qorshe ka yeelato dawlada hoose sidii loo dayac tiri lahaa goobaha qashinka dadkana looga fogayn lahaa.
 Dawlada hoose waa in ay wax ka qabataa qashinka iyo wasakhda buux dhaafisay wadooyinka bulshadu adeegsato
Waad Mahadsantihiin
By: Mohamed Hamud Ali
Hamudson@Gmail.Com