Madaxweyne Axmedoow Xagaynu u Soconaa

Berberanews-Madaxweyne shacabku halkuu degay-iyo halkaad ka day-dayday kala durkee.Maalintii laguu hiiliyay ee shacabka badhkii kuu doortay kursiga waxa lagaa filaayay jidka aad maanta ku socoto mid aad uga duwan.Madaxweyne waxa lagaa filaayay himilada shacabka inaad kaga dhabayso oo aad xoogga saarto aqoonsi aynu ka helo dawlad qudha balse waxa ayaan darro noqotay inaad qaado jidkaynu hore ugu goblanay.
 
Hore ayaynu maal iyo nafba ugu hurnay inaynu ka xorowno jidka qaybi oo xukun,nac shacabka la kala dhex dhigo,eex,daljire saqda dhexe lala baxo,xeerar loo samaysto dabar-goynta shacabka,xeerar loo samaysto leexashada hantida qaranka iyo carr-juuq dheh.Maaha mid male-awaal ah ee waa xaqiiqada jirta,waana ta maanta xukuumadaadu ku dhaqmayso.Talaabooyinka noocaas ahna caad kaama saarna waxyaabaha ka dhasha.Markaa Madaxweyne ma kula tahay inaad ka joogto jidkaa qaldan,ma kula tahay inaad shacabka dhegaysato,mucaaridka dhegaysato oo rumaysato dhibaatooyinka dalka ka taagan,iskuna daydo inaad si dhab ah wax uga bedesho.
Madaxweyne maxaa keenay inaad labada xisbi mucaarid aad u diido inay aragtidooda ka jeediyaan xafladaha jaamacadaha,miyay-naan qaadan habka xisbiyada badan,miyaanay distoori ahayn,saw taasi maaha inaad qodobo distoori ah jebisay.Madaxweyne maxaa keenay in laysku xidho ama laysku rasaaseeyo daljire aragtidiisa cabiray,taasina miyaanay ahayn inaad qodobo distoori ah jebisay.
Madaxweyne maxaa keenay saqda dhexe in maati nabad ku seexatay hooy-goodii inay askartaada afka duubani u dhacdo oo ay xabsiyada u taxaabto,ciidankeenu miyaanu qaranka u shaqayn mise waa ciidan u adeega danaha siyaasadeed ee Obama.Xagaynu ku aasnay xuquuqda uu distoorku siinaayo daljiraha.
Madaxweyne maxaa keenay inaad shan boqol oo askari (500) wadooyinka caasimada taxdo sida tusbaxa markaad ka soo baxdo xafiiskaaga iyo gurigaagan is-barkan ee aad ku socoto madaarka ama kaba soo degayso,marka aad Ambassadoor ama Maansoor khudbad ka soo jeedinayso,ma shacabkii ku doortay ayaa cabsiyi kaaga jirta,miyaanu dhaqankaasi ku xasuusinayn kii Afweyne mise waxa inoo dhigay dhaqankaa nidaamka Obaama.Miyaanu xisbigaagu mar labaad cod ka doonaynin shacabkan aad ka sastay ee ay cabsidu kuu gaysay inay ku hor iyo daba boodaan baabuur hub culus ku gadaaman.Dhaqankaasi miyaanu shacabku aragti kale kaa qaadanayn.
Madaxweyne xagaynu u soconaa waa tanoo kala durugte shacabkiiye.Madaxweyne ma kula tahay inaad ka joogto jidkan aad hayso ee leexinaaya qarannimada aynu dhiigga u huray mise waa marna taagtaa marna tamartaa.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL