Saciid Sulub iyo Axmed H. Daahirow oohinta iska duwa

Waxa beryahan isa soo taraaya qayla dhaan ka imanaaya casaabadii xisbiga Udub baabiisay oo ay ugu horeeyaan Siciid Sulub iyo Axmed H. Daahir.  Axmed H. Daahir kelmedo  ayaan ku odhan lahaa.  Axmedow, waxaan kugula talin lahaa oo sharaftaaduna ku jirtaa in aad oohinta iska dudo oo aad u dhaqantid nin madax dalkan ka ahaan jiray oo nasiib u helay waxaan khayrkii nasiib u helin taaso ah in aad dadkaaga shaqo u qabato.

Maanta waxaad isleedahay tolaayey ayaa lagaa dhagaysanayaa, waar reer Awdal sharaftoodu iyo qiimahooda wax how dhimin.  Reer Awdal dad tolaayadaada kuugu  imanayaa maaha. Ma maantaad tidhi hadii xisbiga Udub la waayo, Soomaalilandna waa lawaayayaa.  Axmedow Reer Awdal tacab badan ayaa dalkan iyo qarankan ka galay, dad u hanqaltaagaya tolaayee maaha oo wasiir dhacay oo siyaasada ka saaqiday u soo gurmanaya maaha ee wax iskula hadh inta ay goori goor tahay, ooyaan hadal dambe lagaa maqlin.

Siciid Sulubna waxaan leeyahay ilaa maalintii aad Udub ku biirtid hanjabaad iyo cagajulayn ayaad dakan ka wadee bal adiguna circa soo dumi. Xisbigan Udub ee aad u qaylinaysid miyaanad ka how ahayn kuwa godka ku riday ee Daahir Riyaalena Naxashka iyo maradii cadayd u soo iibiyey si loogu aaso.  Waa ayaan daro in aad wali hadlaysid.  Soomalilandna way ayaan darantahay,  sababtoo ah adigoo miidhan ayaa xil u qabtay oo waliba xil wasiir u qabtay.

Cali Warancadena waxaan o dhanlahaa,  mudane Cali,  dalkan Soomaaliland iyo dadkeeduba sharaf iyo qadarin ayey kuu hayaane nimankan aan waxba ka xishoonaynina yey qadarintaa iyo sharaftaa laguu hayo kaa xayuubin oo kaa wasakhayn. Xisbigii Udub waa la aasay cidkalena may aasine, adiga, Ina Sulub, Axmed H. Daahir, iyo Daahir Riyaale ayaa aasay, ee minfadlak waqtiga hayska qaadin ee dadkaaga dhinac ka raac oo wax la qabso., maahmaah soomaaliyeed ayaa odhanaysa “labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan”.

Wa bilaahi Tawfiiq;

Axmed M. Saleebaan