Fadlan Ka Qayb qaado Tabaruca Masaajidka Demada .Qoyta ee Gobolka Togdheer (Masjid Al-Taqwa)

Fadlan Ka Qayb qaado Tabaruca Masaajidka Demada .Qoyta ee Gobolka Togdheer (Masjid Al-Taqwa)

 WALAAL KA QEYBQAADO TABARUCA MASAAJIDKA CUSUB EE LAGU MAGACAABO MASJID AL-TAQWA DEG/QOYTA “ILLAHAY WAXAAGA HA KUU BARAKEEYE”….Ma Jeclaan lahayd inaad wax u Tarto Waalidkaa ama Waalidkiis, Mase og- tahay inaad u Samayn karto Camal u socda iyaga oo dhintay, Masjidka dhiskiisuna uu ka mid yahay Camaladaas? Walaalayaal Allaaah iyo Rasuulkii in badan bay na fareen in aan ka qeyb qaadano dhismaha meelaha Alle lagu caabudayo.

Akhyaarta sharafta leh kuligiin waan idin wada salaamay, waxa aan idiin soo gudbinaynaa , masaajid dib loo dhisayo oo u baahan taakuleyn,ahna masjidkii ugu horeeyay ee degmada Qoyta ee G/Togdheer oo dhisnaa mudo ka-badan 45 sano, ahaana mid qaada dad yar ayaa la go,aansaday in la dumiyo , si loo balaadhiyo lagana dhigo masjid wayn si muslimiin badan ay ugu tukadaan,madaama ay dadka magaaladu aad ay u kordheen.

 Culimadda masaajidka iyo  qaarka mid ah odayaasha degmada Qoyta ayaa codsi u diraaya muslimiinta meel kasta oo ay joogaan  inay ka qayb qaataan dhismaha masaajidkan.

Ma Jeclaan lahayd inaad wax u Tarto Waalidkaa ama Waalidkiis, Mase og- tahay inaad u Samayn karto Camal u socda iyaga oo dhintay, Masjidka dhiskiisuna uu ka mid yahay Camaladaas? Walaalayaal Allaaah iyo Rasuulkii in badan bay na fareen in aan ka qeyb qaadano dhismaha meelaha Alle lagu caabudayo.

 Fadlan fursadaanu yey ku dhaafin, Ka Qeyb Qaado Dhismaha Masaajidka Degmada Qoyta laga dhisaayo, waayo , Ka qaybqaadashada dhismaha masaajidka ayaa ah waxyaalaha khayrka badan oo aan waligiis kaa go’ayn.

   Culimada Iyo Dadweynaha deegaanka ayaa ka codsaday Dadka Kheyrka Jecel inay ka qeyb qataan Dhismaha Masaajidka, Haddaba Ummada Muslimiinta ah ee dooneysa inay ka qeyb qaadato Dhismaha Masaajidkan,  Fadlan qofkii u baahda faahfaahin balaadhan , Ha La Xidhiidhaan Masuuliyiinta u Qaabilsan Ururinta Kharashka lagu dhisayo Masaajidkaasi.

Dhinaca kale Culumada Diinta ayaa ugu baaqay dhamaan umadda Islaamka ah iyo jaaliyadaha dibadaha iyo gaar ahaan kuwa u dhashay G/Togdheerna inay gacan ka gaystaan si ay uga qaybqaataan dhismaha masaajidkan , waxaana culimaddu ka hadleen khayrka iyo ajarka uu leeyahay masaajid aad ilaahay hortiis uga Qayb Qaadato oo aad gacan ka gaysato.

    Mashruucan oo ah mid lagu dhisayo guri Eebe wuxuu noqondoonaa mid khayr iyo danbidhaaf fara badan lagu mutaysto. Sidaa darteed waxaa laga codsanayaa dhammaan muslimiinta meelkasta oo ay joogaanba inay ka qaybgalaan fulintiisa. Walaalayaal aynu u kala hormarno khayrka oo ku tartanno sidii loo kala boobilahaa. ” Qofkii bayt ilaahay dhisa, isagana wuxuu eebe bayt uga dhisayaa jannada”  – waa xadiith nabawi ah.

 Sidoo kale waxaa dhismaha masaajidkani soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan Guud ahaanba Degmada Qoyta oo sheegay inay baahi wayn u Qabaan dhismaha masaajidkani oo ay sheegeen inay aad ugu farxasan yihiin waxayna ugu baaqeen umadda islaamka ah inay gacan dhaqaale ka gaystaan masaajidkani oo ah kii ugu waynaa ee Degmada  Qoyta laga hirgalinaayo.

Hadaba si aad u dhisato gurigaga Aakhiro , ka qayb qado Dhismaha Masaajidka Al-Taqwa ee Degmada Qoyta waxaanaad Sadaqaysan kartaa wixii aad awoodo,qofba awoodiisa ma ahan in aad la gabato haddii adan heli karin lacag badan.
Ciddii doonaysa in dar Ilaahay ay ula baxdo sadaqo waxay ku soo diri kartaa Accoonkan
Akoonka Dahabshiil ee loo furay masaajidka AlTaqwa(Deg,Qoyta)  ama waxay la soo xidhiidhi kartaa cinwaanadaan teleefoonadaan hoos ku qoran:
Dahabshiil   : Dahabshiil pvt ltd co. Account No:- BURD-8332 
1.  Cabdilaahi X.Xirsi Odowaa.                  
 +252-24425140

2.  Xuseen Cumar Guuleed.                        +252-24437252
Waxa lacagtaas lagu soo Hagaajin kara magac acount ku qoran oo ah.

H.Mohamed Abdulkadir ,adigoo ku soo diraya Acounti Number ka ah/ Account Number…BURD8332 DAHABSHIIL BURCO, Qofkasta  ama shirkadkasta waxaa laga  codsanayaa inay sadaqaystaan maalkooda waxa ay awoodaan si ay ugu noqoto sadaqo jaariya.

Qofkii doonaya inuu wax ku darsado dhismaha masaajidka AlTaqwa ee Qoyta waxaa uu la soo xidhiidhi-karaa,  iyagana qaar ka midda gudida xidhiidhka dibadaha u xilsaaran dhismaha masjidka oo kala ah, Kalana soo xidhiidh telifoonada ku xusan halkan.

1. Cismaan Diiriye Wersame       +44 7531955972

2. Aadan Yuusuf Cilmi                  +447947276010

 Ama Emailka masjidka Al-taqwa Degmada Qoyta =  Altaqwa-masjid @hotmail.com

Waad mahadsantihiin. Ilaahay ha ka dhigo mashruucan mid khayr ku bilowda oo hadana khayr ku dhammaada.

Waxaa soo gudbiyey Aadan Yuusuf Cilmi

adanyusuf@hotmail.com