Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir: Xigaal Ma leh, Xidid Ma Leh, Xikmadna Ma Leh

Xigaal ma leh

Xigaalkii haddii laga baqayo isagoo da’daa ah oo la ogyahay in dhaawac yahay Hargaysa lagagama cabaadiyeen adduunkuna ma maqleen. Markuu cabaadaayayna dar caada qataayaal ah oo Carre Saciid sheeganayaa way taagnaayeen. Waxaana hubaal ah in caada qataayashaa cabaadku ku danbayn doono oo sidaa ayana loo geli doono berri (ninkii qayrkii loo xiirayaw so qoyso adiguna)
 

Xididna ma leh

Goobta iyo guriguu ka cabaadaayay xididkii baa laha waana fadhiyeen kuwii ugu filka roonaa sida Muse Biixi. Haddaba reeraha qaar weligood gurigooda xididku kuma badbaado oo galti ma leh. Taa Cabdiraxmaan haddaanu ogayn maantaba ogaa
 

Xikmadna ma leh

Markuu daba ordaayay ee dhabarka iskaga jebinaayay kuwii adeerkii shirkii Boorame ka soo tuuray, inaanay isna uga raynahayn muu garan. Maanta inuu gartayna shaki ayaa igaga jira
 
Waxaa haddaba hambalyo iyo bogaadin mudan Siilaanyo oo ku fidhiya kursigii uu ka tuuray Abdiraxmaan Tuur iyo Maxammed Kahin oo ku fidhistay kii u ka tuuray Cabdiraxmaan Cabdiqaadir
 
Qore,
Cabdirisaaq Cabdillahi Liiban
abdulrazaqliiban@yahoo.com