Waa ceeb in dad Saldanad sheeganayaa ay noqdan waji ku macaash?

Waad salamantiin dhamaan warbaahinta Xorta ah gaar ahaan BERBERANEWS.

Waxa beryahan ku badnaa hadal haynta mushtamaca reer Somaliland, werhsada SIBIDHKSA BERBERA, taas oo muran badani ku dhexmaray ganacsato ruqsad u haystay iyo shirkada Dahabshiil, balse markii danbe la xaliyay arinkeeda, ayna dhameeyen Odayaasha Gobolka Saaxil iyo xukuumada oo iskashanaaya, waxana lagu heshiiyay  in arinta wershada SIBIDHKA iyada oo odayaasha Gobolka Saaxil ay go aan ku gadheen in ay arinkeeda ku wareejiyaan madaxweynaha Somaliland si ugu qaybiyo saami dhamaan Gobolada Somaliland min Bari ilaa Galbeed, halkaa ayayna ku so af jarantay.

Balse waxa nasiibdaro ah in maalin walba aad arkayso iyada oo ay TVda soo fadhiisanayaan dad sheeganaaya in ay yihiin Saladiin oo halkaa kaga had laya wax aan milgaha Saladiinta ahayn oo ceeb ku ah magaca ay sitaan iyo umada ay wakiilka kayihiinba, iyaga oo aad yaabayso, waxay ku hadlayaan, walibana siqaawan u weeraraaya reero gar ahaan Beesha Gobolka Saaxil oo ay ku sheegayaan in ay dadka kale ka sheeg teen gobolka Saaxil, taasi oo ah mid aan Sal iyo raad midna lahayn, ayna jirin meel ay reer saaxil kaga sheeg teen dadka kale gobolka saaxil, balse waxay diidanaayen, boobka qaawan ee u doonayo in u nin qudhii iska wageerto buraaha SIBIDHka Berbera mana aha wax suurta galaaya taasi, mana aqbalayaan dhaman dadka reer Somaliland, waxa arinkaa si fiican uga hadlay Xoghaya guud ee gudida Beelaha Ciise Muuse  Mr  Cabdirashiid Maxamed Xaji Yusuf  sheegayna in arintaa hada u madaxweynaha Somaliland gacanta ku hayo, waxanu inankaasi u ga hadlay si xarago leh oo sharaf iyo xilkasnimo ka muuqday, mana mudana wiil kaasi aflagaado ee waxa u mudanyahay hanbalyo iyo bogaadin, balse ma mudana in cay iyo aflagaado loo mariyo, oo aan markasta aragno dad wax ma garato ah oo sheeganaaya qaar kood in ay ka soo jeedan Beelaha Ciise Muuse, lakiin dadkaasi waa wax magarato, waxayna ubadanyihiin dadka looya qaan Preparedka, waxanan leeyahay dad kaas fadlan ka xishooda dadka waa ceeb in nin suldaana u inta u soo fadhiisto TV dadka ka caayo ama Beel dhan aad iska aflagaadayso, oo aad wax ka sheegto adiga oo aan xogagaal ahayn, midna ogaada hadii aad wax ka taqanan shuruucda ganacsiga, dadka deegankastaa waxa u xaq u leeyahay sad bursi iyo xushmad gaar ahba. Waxa  ka loo aan halkan hanbalyo uga soo jeedinayaa Suladiinta Beelaha Subeer-Awal oo ugu horeeyo Suldaanka Guud Suldaan Xassan Suldaan Cabdilahi Suldaan Cabdiraxmaan,  waxayna si adag uga hadleen cayda iyo dhaleecaynta ay dad sheeganayaa Saladiin ay habeen iyo maalinba TV yada kaga hadlaan una marinayaan Beelka mida Beelaha Subeer Awal oo waliba karoomo iyo sharafba ku leh dhismaha iyo nabada Somaliland,kuna hadlayaan wax aan af suldaan ahayn oo ay sharaftooda ku iibsadaan shilimaan  aan meel u wadayn iyo Jaad waana ceeb ku dhacday saladiinta sidaa u hadlaaya waana xil kasnimo daro dad deegaan koodiba ku fashil mayba maaha in ay meel kale u hanqal tagaan waxanan anigu  u arkaa in ay tahay in ay ka xunyihiin wada nolasha ha dadka ayna yihiin dadka ku macaasha dhibatada waxanan leeyahay ,halkan meeli idiinka ma banana ee shaqo kale Raad sada. Ugu dan bayn waxan u soo jeedinaya Televishinka Horn Cable TV in u ilaaliyo dhexdhexaadnimada warbaahineed, taasi ayay dani ugu jirtaa sharafna u ah waa TV sumcadbadan ku leh dhamaan umada reer Somaliland, waliba anigu waxan ka mid ahayn dadka aad ka u tageera TV gaa, balse hada waxad modaa in u luminaayo mihnadii saxaafada.

Wabilaahi Tawfiiq

By Maxamed Cabdi Cali, Hargeisa Somaliland

Email: maxamed1191@hotmail.com