Hambalyo wasiir ku xigeenka cusub ee wasaarad Amniga

Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan

Waxaan hambalyo uga dirayaa halkan wasiir ku xegeenka cusub ee wasaarada arimaha gudaha dhinaca amniga Md.Abdulahi Abokor Osman
wasiir waxaad tahey nin qoon badan karti iyo ku dhac leh hanan karana xilkaa laguu magacaabey  waxaan ilaahey kaaga baryayaa in ilaahey xilkaa kugu asturo kuuna fudeydiyo waa xil aad u culus amnigiii wadanka oo dhan ayaa ku hoos imanaya police oo dhan ayaad maamuleysaa waa xil aad baaxadiisu u balaadhan tahey ilaahey kaguu fudeydiyo.

Wasiir waxaanaan kugu lala talinayaa wasiiir waxaad tahey nin dhalinyar ah run ahaantiina oo runtii imikuun siyaasada si fiican usoo guda galey waxaanaad la kulmi doontaa dad sifiican kuula shaqeeya iyo qaar ku dhaliila waa inaad dulqaadkeeda yeelataa o cid kaste u dajisaa dadkana isku soo dhaweysaa oo aanaad cid gaar ahna u eexan garabkana aanad saaran dhamaantood umada reer somaliland wasiir baad u tahey waaney kuu simanyihiiiin.

wadankuna maanta wuxuu maryaa xaalad xasaasi ah oo wax yeeli kara keeni karana amni daro markaa caqabadahaasna ilaahey hakuu dhibyareeyo haddii  aad ku guuleysatona waxaad ku kasbaneysaa sumcad aad ka heshid shacabka reer somaliland mustaqbalkana waxaad noqon hogaamiyo haddii ay shaqadaadu qanciso shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba run ahaantiina waan hubaa inaad kasoo baxeysid shaqadaa adag waayo waxaa tahey nin aad u dagan oo caqli badan dadku ay aad u taageeraan.

Wacays Cali