Eng Maxmed Xaashi waxa uu halis ku noqday xidhiidhka Somaliland ay la leedahay waddamada aynu saaxiibka nahay ee Itioobiya iyo Ingiriiska .

Waxaa baryahii ugu danbeyay soo baxayey warar u dhuundaloola madaxtooyada oo ka hadalyey arrimo badan oo ku saabasan , talabooyin uu qaaday maxamed xaashi oo ku saabsan alaabta itoobiya uga degta Berbera oo uu dhawr jeer hor istaagay , taas oo keentay  in wakiilka itoobiya u si cad cabasho ugu  qoray dawlda .
Haddaba Somaliland iyo itoobiya xidhiidhkooda ayaa ka muhiimsan in wax yar oo cashuura oo laysku qabto , madaxweynaha ayaa dhawaan kulankii ula yeeshay mr Zenawi ay ku heshiyeen inay Somaliland u fududeyso isticmaalka dekeda berbera
 Dhanka  Ingiriiska wax uu  aad uga soo horjeestay  shirkii London oo ahaa fursad qaaliya oo diblomasiyadeed oo ay heshay  Somaliland isaga oo qabiilkiisa qaar ka midda u sheegay inay tahay shirqool Somaliland loo dhigayo
Waxaa kaloo dheer intaa  muranka iyo khilaafkiisa joogtada ah , isagoo ah nin sharaf leh sidiisa kale ,ma aha siyaasi maamul dawladeed matali kara ama hogaamin kara.
Muse qarandi
qarandi99@yahoo.co.uk