Dukaan Cusub oo Dharka iyo Qalabka Xaragada Lagu Iibiyo oo Hargeysa Laga Furay

Hargeysa (Berberanews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Axmed Yuusuf, ayaa maanta xadhigga ka jaray dukaan cusub oo la yidhaah Diesel oo laga furay magaalada Hargeysa, kaasoo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee dharka iyo kabaha iyo qalabka loogu tallogalay xaraga dhallinyarada.

Dukaankan cusub ee laga caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhinaca galbeed ee isgoyska Togdheer, isla markaana loogu magacdaray shirkadda weyn ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee la yidhaahdo Diesel oo soo saarta dharka, waxa lagu iibinayaa dharka kala duwan, kabaha, kiriimmada madaxa, qalabka ciyaaraha iyo qalabka lagu xaragoodu oo muraayadaha indhaha oo noocyo kala duwan lihi ka mid yihiin.

Dukaanka cusub ee DIESEL, waxa si wadajir ah u maalgashaday  laba dhallinyaro ah oo kala ah Mukhtaar Axmed Cabdi (Mukhtaar Cambe) iyo Maxamed Xuseen Jaamac (Roodhi), iyada oo Mukhaar Axmed Cabdi (Mukhtaar Cambe) oo xafladii furitaanka dukaankooda hadal ka jeediyey uu sheegay in ujeedada isaga iyo saaxiibkii sida wadajirka ugu fureen dukaanka DIESEL ay tahay si dhallinyarada waxbaratay ee bilaa camalka ah loogu dhiirigeliyo inay isku tagi karaan oo si wadajir ah meherado ganacsi u furan karaan, taasoo u noqon karta shaqo abuur ay kaga bixi karaan busaaradaha iyo camal la’aanta dalka ka jira.

“Dukaankan aannu furnay waxaannu ugu tallogalnay in aanu dhallinyarada iyo dadka kaleba u keeno dhar casri ah, kabbo tayo leh, qalabka ciyaaraha, qalabka xarradaga, waxaanan dukaankan ugu magacdarnay shirkadda weyn ee dharka casriga ah ee caalamka ugu tayada fiican samaysa ee DIESEL, waxaannanu jecelnahay in qofka dukaankayaga soo booqdaa uu ka heli doono dhar iyo kabo cajabiya oo tayadoodu sarayso,” ayuu yidhi Mukhtaar Cambe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Axmed Yuusuf oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray dhallinyarada ku dhiiraday inay is iskaashi ah Hargeysa uga furtaan dukaan, isaga oo tilmaamay in tallaabada dhallinyaradani ku dhaqaaqday muujinayso in da’yartu iskaashi samayn karaan si ay uga baxaan shaqo la’aanta badankooda haysata.

Waxa Agaasimaha Guud xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko dhallinyar iskaashi samaysanaya oo furanaya meherado ganacsi oo ay shuraako ku yihiin; isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in aan arko dhallinyaro isku tagay oo meherad ganacsi furay, waanan ku hambalyeynayaa, tanina waxay muujinaysaa saddex qodob oo kala ah in dhallinyaradu iskaashi samayn karaan oo ay furan karaan meherado ganacsi oo ay shuraako ku yihiin, waxa kale oo ay muuninaysaa in shaqo abuur tahriibka lagaga badbaado dhallinyaradu samayn karaan iyo in dhallinyartu dalkooda maalgashan karaan.”