Dhaqaaleeya Hantida Qaranku, Sibidh iyo Sumalba, way innaga dhaxaysaaye.


 

Hamud Duale

Haddii arrinkii yimaada miisaankii qabyaalada lagula cararo oo warbaahintuna qalimo beelaysan bogagooda ku buuxiso oo isku mudmudo  waa balaayo iyo xasarad abuur.

Haddii ganacsatadu waa dhurwaaye,  aan diin xidha, damiir, xeer iyo dawladii kaa dabaaleen, oo in ay cashuurta qaranka bixiyaan, in ay laaluush bixiyaan ka doorbidaan,  iyana waa balaayo laba jibaaran oo waxay ummuli doonto la odorosi karo.

Haddii madaxda,  odayaal dhaqameedkuna iyo culimadu diinku waad baahan tahay u bahalo cunaan oo ay xeer, xishood iyo xarago ka dawaareeyaan iyana waa balaayo hagoogan, maaro loo heli maayo.

Haddii sedexdaa balaayo isku kaa barkadaan,  qarankaasi wuxuu noqonayaa, qaran fadhiida oo hadba kooxi ku qadhaabto oo aan dib mooyee weligii hore u duuleen oo malihi ayaa dhaanta.

Waxaan uga danleeyahay sheekada Sibidhka  ee Berbera,  intaan beelo laga dhigin ha la isweydiiyo Ganacsatada maalgashanaysa waa maxay heshiiska la galeen qaran ahaan iyo Gobol ahaan? Hadduu jiro Heshiis warbaahinta ma lagu faafiyey? Dadka deegaanka la tashi ma lala sameeyey oo ma loo sheegay heshiiska qaran ee la galay  ilayn qaranka ayuunbay ka mid yihiine? Haddii su’aalahaas jawaabtooda Haa tahay, maxaa loo murmayaa.  Hadday Maya tahay salaadu meeshay ka xidhmi la’dahay ha la isweydiiyo.

Dhulka iyo kheyraadkuba waa Hanti Qaran ciddina gaar umma laha, Dawladina cid gaar umma siin karto iyada oo aan la waafijin axdi qarameedka.

 

Qaran  waa (State) waa dad iyo duunyaba ilaa aamanuun wixii xuduuda Ummaddaa ku jira.

 

Dawladi  waa maamul hawsha Qaranka in hogaamiyo loo igmadey muddo mucayana oo loogu heshiiyey sida Somaliland oo kale. Shalay UDUB ayaa joogey oo la Aminey, maanta KULMIYE ayaa jooga oo la aaminey, Berina UCID baa imman doonta.

Sidaa daraadeed Maalgashadayaashu waa in ay heshiis  qaranka la galaan,  kaasi oo qeexaya wixii xaq iyo xeer loogu leeyaha,  tusaale ahaan iyagana dantooda ilaalinaya. Waa in la qeexaa  ( Royalties) joogtada  ah oo qaranku leeyahay hantidaa ka dhexaysey ee qof amma shirkada gaarka u yeesheen iyo weliba wuxuu deegaanku xaq ugu leeyahay, iyo in cashuurta caadiga ah qayrkood ula sinnaadaan si hadba maamulka yimaad xuquuqdooda iyo  nabadooda u ilaaliyo.

Hantida Qaranka  hadba  dawlada jirta way  in ay ilaalisaa, wixii loo baahdana xilka ka saarani waa in ay waafijiso tartan xor oo xalaal ah iyo Heshiis Qaran oo lala galo ciddii ku guuleysata oo labada dhinacba raaligeliya oo aan madmadaw ku jirin.

Hadal iyo dhammaantiii Hantida Qaranka waa la wada leeyahay annaa kaa xoog weyn iyo anaa kaa xoola badan horaa loo eeday. Hantida qaranka ummadu way wada difaacdaa oo dawlad bay mushahar u qortay si sumulka u jirto sibidhkana cadaw dabada kaga yimmaada uga ilaaliso. Dheeftana waa la wada leeyahay oo in ay bulshadu heshaa adeeg caafimaad, waxbarasho, iyo ka la dagaalanka gaajada.