LAYLIGU BIYAHA KASHIISA KU JIRUU KA DIDAA..

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan umadda reer somaliland gude iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan,
mar labaadkana waxan salaan taas la mid ah u gudbinayaa qaybaha kala duwan ee saxaafada ee ka hawl gala jamhuuriyada somaliland.
Intaa ka dib hadii aan u daadego dulucda maqaalkayga oo aan rabo inaan maanta kaga hadlo mawduuc xasaasiya oo maalmihii ugu danbeeyey si aad ah loo hadal hayey,kaas oo ku saabsan musuqmaasuq iyo maamul xumo baahsan oo wadanka ka jirta iyo hanti qaran oo si badheedh iyo ula kas ah oo loogu takri falay loona lunsadey. hadaba aniga oo taas ka duulaya waxan maanta qalinka u qaatay inaan waxoogaa ka iftiimiyo xaqiiqooyinka jira iyo waxa ka runta ah arintaa.
hadii aan ku horeeyo shakhsiyada agaasimihii is casiley isla markaana musuqa daaha ka rogey mudane maxamuud raage aqoon fiican ayaan u leeyahay run ahaantiina waa nin ilaa xad macquul ah oo nadiif ah oo weliba daacadnimo lagu majeerto. waa wadani jecel horumarka iyo jiritaanka qaranka somaliland ee uu ku abtirsado,marnaba u malayn maayo inuu wax been ah iyo warar aan sal iyo baartoona lahayn ku durayo xukuumada iyo wasiirada uu musuqmaasuqa ku eedeeyayba.
dhanka kale qolyaha musuqmaasuqa iyo wax is daba mariska lagu eedeeyey waxa ka muuqda baqdin iyo salbabakh dheeraad ah oo aad markiiba halkaas ka sawiran karto in eedayntaa agaasimaha wax ka jiraan markaad eegto sida ay xukuumada oo dhami ugu wada jawaabtey oo weliba qaarkood aflagaado iyo gacan ka hadalba ula tageen mudane maxamuud raage.
mr raage waxa hadaladiisa ka muuqda deganaansho iyo isku kalsooni dheeraaad ah ,waxana marag ma doonto ah inuu hayo warar xaqiiq ah iyo documents cadaynaya hantida la weecsaday iyo sifooyinka loogu takri falayba.
agaasimuhu wuxu ka dhawaajiyey in lacag xadigeedu gaadhayo 80,000 US dollar ay ka baxday khasnada wasaaradaasi arimaha dibada taas oo loogu marmarsiinyooday in ay tahay kharashkii safaarada somaliland ee wadanka france oo lagu qoraya magaca ninka safiirka ugu magacaaban laakiin aan weli ka hawl gelin shaqadii safaarada oo la og yahay inuu hargeysa dhex joogo weli. run ahaantii waa fadeexad cad iyo musuq faashil ah oo caqliga saliimka ah iyo ruuxii wadani ahiba uu ka gubto.
tan kale ee taas ka sii darani waxa weeyaan sida uu qabo mudane raage inay iyana jiraan lacago gaadhaya ilaa 300,000 US dollar oo iyadana uu wasiirka laftiisu si qayrul sharci ah u lunsaday taas oo uu khasnada kaga saaray inuu ku fan garaynayo dhawr safaaradood kuwaas oo aan ilaa hada la ogayn meel ay ka hawl galaan iyo cid u metesha xukuumada oo wadamadaa macmalka ah ee uu safiirku sheegay ka hawl gasha.
isku soo wada duuboo, soomaalidu waxay ku maahmaahda; (LAYLIGU BIYAHA KASHIISA KU JIRA AYUU KA DIDAA). taas oo aan uga socdo hadii ay fadeexadahaasi yihiin kuwo aan sal iyo baar toona lahayn oo aanay waxba ka jirin hadalka agaasimaha ,
maxaa sababay in masuuliyiintii kala duwanaa ee xukuumada oo dhami hal mar isla oogsadaan oo si isku wada mid ah iyo dagaal kaga jawaabaan arintan.
waxan qabaa oo aan shakhsiyan aaminsanahay inuu jiro musuqmaasuq ka balaadhan kana baaxad weyn kan uu mudane raage ka dhawaajiyey. kaas oo hadheeyey dhamaanba hay,adaha kala duwan ee dawlada,oo uu nin kasta oo masuul dawladeed ahiba lug ku leeyahay hawlahaa hanti boobnimo.
hadaba hadii ay xukuumadu run sheegayso waa inay ogolaato in loo diro koox madax banaan oo arintaa baadha isla markaana xaqiiqada banaanka usoo fagta.
si kastaba xaaladu ha ahaatee waxa jira oo aan layska indho tiri karin in musuqmaasuqaa wax ka jiraan taasna waxa cadayn marag ma doonto u ah cabaadka koone ilaa koone is gaadhay iyo fir ka naxa ka muuqda shakhsiyaad faro badan oo mansabyo ka haya xukuumada madaxweyne siilaanyo.
waxan maqaalakayga ku soo afmeerayaa maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaahda (macal cunne soo bixi doonee). maxamuud raagena hadii ay sheekadaasi cadaato wuxu noqon doonaa NATIONAL HERO. wuxuuna daacadnimadiisa iyo wadaninimadiisaba ku mutaysan doonaa magac iyo maamuus aan weligii ka duugoobin.
Qalinkii….
suleymaan kooreeye.
helmond,the netherlands.
kooreeye96@hotmail.com