,Wasiirada gaagaab iyo waxa dadku ku sanifeen iyo wuxu siilaanyo ku doortay warbixin xiiso leh Qore Siciid Maxamed xirsi (Siciid kuuriya)

 Beryahan danbe dadka wax ku qora baraha internadka ee warbaahinta casriga ah ku soo badanaya dad aad moodo inay bilow u tahay qoraalka oo ay xiisaynayaan inay tijaabo ugu gudbiyaan maqaalladooda baraha internetka  wax lagu diro,  iyadoo arintaas aan aad u hubsaday qaar badana warayasi kala yeeshay qaarna aad hab qoraalkooda ka fahmayso, qaarkoodna qoraalkooda aad ku arkayso walaal noo soo geliya iyo kalmado lamid ah oo ku qoran meel aan ahayn Ciinwaanka ee maqaalka dhexdiisa ah ay ku durayaan sedex wasiir oo ka tirsan xukuummadda Somaliland oo ay  ku eedeeyeen gaabni.


Aan ku horeeyo Wasiir Dr Maxamed Nuur Carraale Duur 
Aqoontiisa = waa Nin ilaa ardaynimadiisii sidaa loo baacsanaayey oo caqli u sxb ah xaga waxbarashada dadka somaliduna waxay ku caan baxaan qofkaasi haduu kaa aqoon sareeyo ama kaa caqli wanaagsanaado inay caaayan ama canjarafeeyaan waa nin Dr ah oo wax ka bartay dugisigii sare ee sheikh secondery school bilaashna ku dhigan jirey markuu keenay marks ,dhibco qofkii keena u ku baranaayo bilaash ama scolarship dalka u ahaaa ka dibna wuxu galay jaamacadii muqdisho halkaas oo uu ka sii watay waxbarashadiisa
khibradiisa shaqo waa mulkiilaha Kaalinta Cajab ee shidaalka kuna taala burco wuxu ka soo shaqeeyey xaruntii chap ee caafiamaaadka xoolaha oo ay wada lahaayeen dhaqaatiir kale oo reer somaliland ah wuxu noqday maareeyihii wakaalda biyaha berbera halkaas aan ka mid noqday ciyaartowgiisi ku ciyaarijirey magaca Wbb wakalada biyaha berbera wuxuu iska casilay xilkii uu hayey una tartamay golaha wakiilada ka dibna ku guulaysatay marlabadna iska casilay noqdayna Wasiirka uu hada hayo waa nin bilaa balwad ah oo cibaadaysta
Maxa Lagu haystaa waxaa ugu badan dadka mucaaradka ku ah dad u badan beeshiisa oo ay qaar ku haystaan maxaa wasiirkaa anaga lahayn naloodhaafiyey waayo sida caadada inoo ah badana qofkii xil laga qaado mid jifidiis ah unbaa la siin jirey qaar kalena leeyihii jilibkiisu xilkaa weligii ma qabane miyaa loo khaldamay kuwa ugu yar aya iyagu xooga dhaliilo jira oo uu leeyahay xilka uu umada u hayo oo culus ku canaanta booskan ayaa ah booski mujaahid LIXLE umada ka mudnaa oo ah nin ay isku jilib ahaayeen Wasiir duur hadal iyo dhamaan waana ta Siilaanyo ugu Kalsoonaaday marka lagu naaxiyo kartidiisa
Wasiir Eng Xirsi Xaaji Cali Xassan oo isagu ah ka umadu ugu hadal haynta badantahay sedexdan wasiir ee gaagaaban waa sida lagu eedeeyo.
Aqoontiisa waa nin HIndiya wax ku soo bartay bartayna cilmiga loo yaqaan Computer science ka dibna usii gudbay dhinacaa carabaha Imaaraadka waxbarashona ka sii watay oo engineer ah wuxuu ka so shaqeeyey shirkada ugu waaweyn dalka oo ay ka midtahay shirkada SOMTEL wuxu kaloo ka so sahqeeyey komishankii dalka mid ka mid aha isagoo ku mutaystay xadhig
maxaa lagu haystaa . waxa haysta dad u badan beeshiisa + dad geli kari waayey madaxtoyada waa nin bilaa balwad ah oo cibaadaysta waa nin dhanka kale aan 100 marinka u banayn oo ka soo jeeda ninkii gabyaaga ahaa ee FAARAX LAANJEER oo adeer u ahaa oo aan loola iman huuhaa iyo anigaa reer hargaisa ah gaydhka ii banee iyo sheekooyinkaa gaagaaban aan baqan sinaba
Wasiir Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar

omer waa nin aqoonyahan ah oo qurbe joog ah oo degenaa dalka nederlands(holland) wuxuu wax ku bartay wadamo ka mid ah qurbaha wuxu barre sare ka noqday jaamacadaha london kuwo ka mid ah waa nin edicutor ah dhanwalba oo aqoon sare leh waa nin aan lahayn balwad sida ka muuqata oo karti badan
Maxaa lagu haystaa ?
Waxa haysta dad u badan beeshiisa uu ka soo jeedo kuwaasoo aanu wax taageero ah ka haysan markii xilkan loo igmaday waxyaabaha lagu haysto waxaa ka mid ah markaan dadka qaarkii la eegay inaanu gebiley reeraha ugu badan ka so jeedin sida sedexda ilma abokor iyo waxyaabo noocaas ah waa nin keli socod ah oo nin adayg u dhashay oo aan indho libiqsan baarlamaankana kun jeer hor tagay iyagoo laydh cas ku raadinaya afkiisana isku furtay in badan waa ninka labada gole si wada jir ugu khudbadeeyey iyadoo ay tahay taarikhda markii ugu horeysay somaliland so maro wasiir xilkan haya arimaha debada oo tirada intaas leeg ee labada gole ah hortaga waana ta siilaanyo uu ugu kalsoonaaday waa nin ah alle wateen wehel uma baahna
la soco qaybo dnabe hadii lo baahdo
Siciid Maxamed xirsi (Siciid kuuriya)
Kuuriya777@yahoo.com