Maydadka laga soo saaray Cusbitaalka Shifa iyo carruur ku dhimatay Duqaynta Israel.

Gaza-(Berberanews)-Shaqaalaha caafimaadka ayaa soo saaray ugu yaraan 30 mayd oo lagu aasay cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dawladda ee deegaanka.

Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah ayaa ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay Rafah, oo ku taalla koonfurta Qaza halkaas oo 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah ay ka baqayaan weerar dhanka dhulka ah.