Badeecadihii cashuuraha shishlaa oo ka dabar go,ay dekeda Berbera iyo dhaqdhaqaaq yaranta dekeda berbera +Saameynta bulshada ku yeelan karto. Fallo Wariye Mohamed Abdillahi Farah

Magaalo xeebeeda gobolka Saaxil oo xudun u aheyd dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Somaliland Islamarkaana ah isha dhaqaale ee dalka Somaliland leeyahay ayaa waxa si weyn hoos ugu dhacay lixdii bilood ee Udanbeeyay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhinaca bagaashyada kala duwan ee ay dekeda berbera kasoo dajin jireen ganacsatada reer Somaliland waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay badeecado tira badan oo dekeda berbera si joogta ah uga soo dagi jiray kuwaas oo ah badeecadaha cashuurahoodu qeybta weyn ka ahaayeen dakhliga Faraha badan ee kasoo xeeroon jiray furdada kastamka berbera kaasi oo sida laga wada warqabo ay Caan ku aheyd dekeda magaalada berbera, Waxaana wakhtigan xaadirka ah uu dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee dekeda magaalada berbera marayaa halkii ugu hoosaysay inta taariikhda la ogayahay iyada oo tibaaxaha la xidhiidha socod yaraanta ganacsi ee la soo daristay dekeda berbera ay sheegayan Sababo Iskumida iyo go,aano ay wada gaadheen qaar kamida ganacsatada ree Somaliland ahi waana mid aan Daahsaarnayn dekeda magaalada berbera looga hayaamo dekeda dalalka jaarka ah waxaanay Badeecadaha kooban ee wakhtigan xaadirka ah kasoo daga dekeda magaalada berbera yihiin Badeecadaha kuwoodii ugu hooseeyay dhinaca cashuurta ee aanay walibana wax cashuura Wasaarada Maaliyadu ku kordhin wakhtiyadan udanbeeyay ee cashuuro kordhinta faraha badan ay Wasaarada Maaliyada Somaliland iska daba keentaycashuuro kordhintaas oo la odhan karo waxay fursad khayriya Unoqotay ganacsatadii bagaashlayda aheyd gaar ahaan kuwii keeni jiray badeecadaha ugu qaalisan Waxyaabaha la cashuuro ee maaliyada badani uga soo xeroon hadaynu badeecadahaas dekeda berbera Ka wareegay ee hadana dalka yimaada iyaga oo kasoo daga dekeda Jabuuti iyo ta boosaso haba kala badnaadaane hadii aynu qaarkood xusno waxa Kamida(All electronics)oo dhan noocu doono ha noqdee hadaynu waliba qaarkood xusno badeecadahaas berbera ka wareegay waxa kamida Tvyada,Radio,yada,Computerada,Mobilada,Talaagadaha,Qasaaladaha,Receverada, Dvdyada oo noocyo badan iyo saacadaha noocyadooda kala duwan waxa kaloo iyaguna gabi ahaanba meesha kabaxay oo aan Dekeda berbera kasoo dagin(All Cosmatics)ka oo noocyadooda ay kamid yihiin Cadarada,Creamada, Qalabyada guryaha lagu qurxiyo,saabunaha jidhka qeyahooda ugu uduga badan ee cashuurtooduna sarayso iyo qaar Kaloo badan oo aynaan halkan kusoo koobi Karin waxse aan iyana xusaynaa oo kamida waxyaabaha dalkana soo gala dekeda berberana kadbar goy(all Spare parts)hadaan intaa kaga gudo Badeecadaha cashuuraha waafiga ahi kasoo xeroon jireen ee dekeda berbera ka dabar goy iyo sababaha Dabar goyntaa keenayba aynu gadaal ka sheegi doono waxa aan iyana isyara dultaagayaa badeecadaha Aanay cashuurahoodu shishleyn ee dekeda sida gabaasiga ah ugasoo daga waxa kamida Sibidhka,Bariiska,Daqiiqda,Sonkorta,Looxa qoricaska ah iyo ka cadaanka ahba waxa iyana kamida Cawda ama darinta la gogolado,Huudhaydhka,Garaa,idka iyo Iron pipeska.

waxaana arimahaa isbiirsaday ee dhaqdhaqaaq yaraanta ganacsi laga wada dareemay guud ahaan Gobolada Somaliland ee xidhiidhada ganacsi la lahaa dekeda magaalada berbera iyo waliba dakhligii ay Wasaarada maaliyada Somaliland ka heli jirtay ama uga soo xeroon jiray xarumaha wasaarada maaliyadu ku leedahay magaalada berbera iyada oo si khaasa ay dhaqdhaqaaq yarantan ganacsi saamayn Xoogan ugu yeelanatay dawladaha hoose ee gobolada dalka ee kabka ay wasaraada maaliyadu qaban jirtay balse waxa saameynta ugu weyni ay soo gaadhay dadyawga kala duwan eek u dhaqan xarunta gobolka Saaxil ee berbera kuwaasoo intooda badani siyaabo kala duwan uga xoogsan jiray Badeecadahaas marsada magaalada berbera kasoo dagi jiray,
Hadaynu sababaha dhabta ah iyo dekedaha lala xidhiidhinayo dhaqdhaqaaq yaraantan dekeda berbera iyo dhaqaalahan qaranka ee hoos udhacay taabano bal horta aynu sheegno inay dhamaan badeecadahaasi dekeda berbera ka dabar Go,ay sicaadiya uwada yimaadaan dalka maxaa sababa halkee ayay kasoo Dagaan maxaase sababay aynu ku horeyno sababta dhabta ah ee keentay hoos udhaca dhaqdhaqaaq yaraanta dekeda berbera marka u horaysa.

Waxa ay badeecadahani sitoosa ugasoo dagaan dekeda magaalada Jabuuti iyaga oo soo mara ama lagu Cashuuro kastamka Seylac ee wasaarada maaliyada Somaliland halkaas oo siwanaagsan isu fahmeen hawl wadeenada wasaarada maaliyada ee kastmkaas ka hawl gala oo aan habayaraatee badeecadahaas Sidii loogu talagalay ee sharciga aheyd aan u cashuurin musuq iyo wax isdaba marin ku shaqeeya Waxaana taasi sahlay koox katirsan dilaaliinta badeecadaha kasoo iibiya suuqyada Dubai iyo Chinaha oo sida aanu xogo ku helay samaystay shuraako wada shaqeyneed oo xidhiidhsan ilaa iyo mukhaliska kasoo Saara dekeda Jabuuti iyo kuwa iyaguna badeecadahaas ka cashuura kastamka Seylac,Waxaanay xogo dheerada oo aanu ka helay xubno xidhiidh la leh kooxdaa shuraakadaha ah ee xidhiidhsan ilaa suuqyada Wadamada Asia ee badeecadaha laga soo iibsado iyo kuwa dekeda Jabuuti kasoo saara badeecadaha oo Magacooduna yahay Badbaado Cargo ay sheegayaan in ganacsadaha Hargeysa dagan marka uu badecadaha diranayo laga wada qaado lacagaha soo iibinta badeecadaha uu doonayo iyo kharshiyaadka Ku baxaya raridooda iyo noolka koonteenarka badeecadaa lagu soo gurayo sida hadiyo jeer lagu yaqaanana badeecadahaa kasoo daga Jabuuti waa qaar lagu soo xafido Koonteenaro oo aan haba yaraatee lasoo saarin doonyo iyo maraakiib isku siidaysa Iyada oo aany xubnaha wararkan aanu Ka helay sicad noogu sheegin qiimaha isku raranka ah ee ganacsatada ay kooxahaasi isku duubani ugu soo Waaridaan macaa cashuur Ilaa soo iibin ayaa hadana waxa aad dareemi kartaa in ay ganacsatadu il iskaga garteen wada shaqeyntaas oo aanay wax muhmali saareyn iyada oo qaar kamida mukhalisiintii dekeda berbera badeecadaha ka cashuuri jiray intooda badani kamid yihiin kooxdaa Badbaado Cargo la baxday oo aanay si cad uga warqabin masuuliyiinta wasaarada maaliyada Somaliland waxaana la odhan karaa waxa ay kooxdaa badaado fasahaadiyeen dhaqaalihii wadanka ee isaga oo caafimaad qaba khasnada maaliyadeeda ee qaranku ku dhici jirtay waxaanad moodaa in aanay masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Somaliland kaba war qabin dhacdooyinkaa mija xaabiyay dhaqaalihii yaraa ee dalka kasoo Xeroon jiray ,Waxa kaloo iyana isweydiin mudan kastamka Seylac iyo ka berbera maxaa udhaxeeya miyaanay labaduba wasaarada maaliyada ee Somaliland katirsanayn mise Dawlada Jabuuti ayaa cashuurta badeecadaha ksoo daga dekeda Jabuuti,Maxayse ganacsatadu ganacsigoodii ugu wareejiyeen dhinaca dekedaha jaarka ha ugu badnaato ta Jabuutiye waa su,aal jawaabteedu iska cadaan tahay oo qofkastaaba garan karo,
Waxa iyana hore ujirtay in waxoogay far kutirisa oo kamida ganacsatada reer Somaliland gaar ahaan Kuwa gobolada barigu iyaguna ay badeecadahooda kala soo dagi jireen dekeda maamul goboleedka Putland ee Somaliya balse waxay aheyd markii aanay Jabuutina raacin mid aan wax dareena laga qabin oo waxa daboolayay dhaqdhaqaaqii xoogan ee dekeda berbera laakiin imika waa isla oogsatay waxaanay umuuqataa hadaan si dagdaga cashuurahaa ku lumaya kastamada galbeeda Somaliland gaar ahaan kastamka Seylac in aanay wasaarada maaliyadu kafaala qaadi karin soo xereynta dhaqaalaha dalka ee ay uxil saarantay sidoo kale waxa iyana aad moodaa in ay kastamada Seylac iyo berbera laba tacriifadood ku kala cashuuraan badeecadaha
Waxa aanu cadadyada danbe ee soo socda idiinku soo gudbin doonaa iskuday fashilmay oo uu xoolaha ganacsatada reer Somaliland geyn jireen Yaman uu ganacsadaha carbeer ee xoolaha dhoofiya ee Abu Yasir uu la damacsanaa in xoolaha Somaliland ee yaman la geeyo isaga oo dawlada Yaman iskudayay in uu heshiis kula galo in xoolaha Somaliland lasoo mariyo Jabuuti oo ruqsado caafimaad ay kasoo qaatan hadii kale aan Lageyn karin dalka Yaman waxaana xoolahaa ubadan Lo.da
Lasoco qeybaha danbe.
Reporter by Mohamed Abdillahi Farah